Zidane Macalinka Real Madrid Ayaa Xaalad Aan Wanaagsaneen Ka Muujiyey Dhaawacii Soo Gaadhay Eden Hazard?

Zidane Macalinka Real Madrid Ayaa Xaalad Aan Wanaagsaneen Ka Muujiyey Dhaawacii Soo Gaadhay Eden Hazard?
Zidane Macalinka Real Madrid Ayaa Xaalad Aan Wanaagsaneen Ka Muujiyey Dhaawacii Soo Gaadhay Eden Hazard?

Kooxda Los Blancos ayaa shan dhibcood lumisay laba ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah, iyagoo barbarro lasoo galay Celta Vigo usbuucii hore, xalayna guul-darro 1-0 waxa u dhiibtay Levante, xilli ay kusoo fool leeyihiin Manchester City iyo Barcelona oo Champions League iyo Horyaalka ay la kala ciyaari doonto.

Tababare Zidane oo ka hadlay natiijadii kulankii xalay, ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu aanay ogolaan doonin inay madaxa foorariso xilligan, kubadda cagtana ay iska dhacaan waxyaaabo noocan oo kael ah, hase yeeshee waxa uu ka dayriyey dhaawac soo gaadhay laacibka kooxdiisa ee Eden Hazard oo qaybtii dambe garoonka laga saaray.

“Aniga waxba ima walaac geliyaan maadaama ay tani tahay kubadda cagta oo ay waxyaabahani iska dhacaan. Waxa aanu ku jirnay waqti wanaagsan xili ciyaareedkan, madaxa-yagana hoos uguma dhigi karno laba natiijo. Laakiin waa inaanu ku fikirno in tan aanu ka dhigano mid aanu hore ugu socono oo ay na xoojiso, na dheerigeliso, tamarna na siiso.” Ayuu yidhi Zidane.

Tababaraha reer Farance waxa uu qoray in toddobaad xun ay u ahayd kooxdiisa, waxase uu dhibka oo dhan ku tilmaamay in fursadihii ay heleen aanay ka faa’iidaysanin, waxaanu yidhi: “Waa natiijooyin xun, waa se inaanu ka fikirno usbuuca xiga oo aanu wax walba u ciyaari doono. Waxa aanu dareensanahay in aanu wax badan weerar qaadnay laakiin goolka aanu weynay. Si fiican ayaanu u bilownay, fursado ayaanu abuurnay, balse goolka ayaa ah waxa ugu muhiimsan kubadda cagta.”

Dhinaca kale, Zidane waxa uu ka hadlay dhaawacii soo gaadhay Eden Hazard, waxaanu ka muujiyey dareen aan wanaagsanayn.