Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Fariin u Soo Diray Bulshadooda Maxay Ku Saabsan Tahay Fariintaasi?

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Fariin u Soo Diray Bulshadooda Maxay Ku Saabsan Tahay Fariintaasi?
Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Fariin u Soo Diray Bulshadooda Maxay Ku Saabsan Tahay Fariintaasi?

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya Ayaa Soo Diray Fariin Wacyi Galin ah Oo La Xidhiidha Cudurka Aduunka Ku Sii Faafaya Ee Coronavirus Waxaana Xulka Qaranka Soomaaliya Ku Soo Biiray Ololaha Lagu Midaysan Yahay Ee FIFA Hogaaminayso Kaasi Oo Lagula Dagaalamayo Cudurkan Sii Faafaya Marba Marka Ka Danbaysa.

Ciyaartoydan Ayaa Dhamaantood Umada Afka Soomaaliga Ku Hadasha Gaar Ahaan Tan Soomaaliya Ee Ay Matalayaan u Diray Fariintan ah Inay Dhagaystaan Dhamaan Wacyi galinta Xukumadooda Iyo Wasaarada Caafimaadka Ee Ku Saabsan Xanuunkan.

Ciyaartoyda Ayaa Kala ah Kaptan Axmed Siciid, Cabdirisaaq Maxamed, Yoonis Cabdirisaaq, Cabdiqaadir Siciid, Maxamed Abukar, Cabdisamed Cabdilaahi, Farxaan Cumar, Cabdixakiin Axmed, Liibaan C.casiis, Maxamuud Cali, Abel Gigil, Usama Rashiid, C.casiis Yuusuf Iyo Axmed Cali Ayaa Fariintan Ka Soo Muuqadan Doona Halka Hoose Ka Daawo Insha Allah.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Xidhiidhka Kubada Cagta Soomaaliya Mudane Cabdiqani Siciid Carab Ayaa u Mahad Naqay Xulka Qaranka Soomaaliya Isagoo Ku Sheegay Inay Door Weyn Ka Ciyaarayaan La Dagaalanka Xanuunka Coronavirus Kuna Tilmaamay Xulka Inay Yihiin Kuwo Aad Looga Jecel Yahay Dalkooda Waxaana Isagoo Hadlaaya uu Yidhi.

“Waxaan u Mahad Celinayaa Cayaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Door Weyn Ka Cayaaraya Dagaalka Ka Dhanka ah Covid 19 Shacabka Soomaaliyeed Aad Ayey u Jecel Yihiin Cayaartoyda Waxaana Hubaa In Fariimaha Ay Gudbiyeen Ay Shacabku Si Dhab ah u Qaadan Doonaan”

Halkan Hoose Ka Daawo Fariinta Ay Soo Direen Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya Qaybteeda Qurba Joogta ah.

07-Shabcaan-1441 Salaasa By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.