Xoghayihii Hore Ee GOS Ayaa Munaasibad Casho Sharaf ah u Sameeyey Oradyahano u Dhashay Dalka Soomaaliya.

Xoghayihii Hore Ee GOS Ayaa Munaasibad Casho Sharaf ah u Sameeyey Oradyahano u Dhashay Dalka Soomaaliya.
Xoghayihii Hore Ee GOS Ayaa Munaasibad Casho Sharaf ah u Sameeyey Oradyahano u Dhashay Dalka Soomaaliya.

Xoghayihii hore ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS Duran Axmed Faarax ayaa munaasabad dhiiri gelin ah magaalada London ugu sameeyay orodyahanno Soomaaliyeed oo London tababar ku qaata.

Orodyahannada oo kala ah; Maxamed Xasan Maxamed iyo Cabdishakuur Negeeye Cabdulle ayaa waxaa munaasabada ku wehliyay macallinkooda naadiga ay ka tirsan yihiin ee Hillingdon Athletic Club, Macallin Ibraahim Xaamud iyo xubno kale oo horay uga tirsanaa xiriirka cayaaraha fudud oo kala ah Maxamuud Cadow iyo Axmed Cali Abiikar.

Munaasabadda oo ahayd casho sharaf dhiir gelin ah ayaa ka dhacday maqaayadda Salale ee ku taala waqooyiga Magaalada London, waxaana casha sharaftaas kaddib xoghayihii jhore ee GOS Duran Axmed Faarx uu uga mahad celiyay macalinka gacanta ku haya cayaaryahanada heerka wanagasan ee uu soo gaarsiiyay maadaama ay natiijooyin wax ku ool ah ka keeneen cayaaraha orodka ee England sanadkii la soo dhaafay.

“Waxaa aniga iyo Soomaali oo dhan noo muuqata in aad kaalimo wanaagsan soo gasheen kana faa’iideysateen fursadaha aad hesheen, Soomaaliya waa idin baahan tahay, waxaana ku rajo weynahay in aad qeyb weyn ku yeelan doontaan horumarka cayaaraha fudud ee Soomaaliya dalkana aad guulo u soo hoyn doontaan.” ayuu cayaartoyda u sheegay Duran Axmed Faarax.

Macalin Ibraahim Xaamud iyo cayaartoydiisa ayaa uga mahad celiyay masuulkan sare ee horay uga tirsanaa guddiga Olombikada Soomaaliyeed in uu soo xusuustay ayna taasi tahay arrin iyaga dhiiri gelin aad u wayn u samaynaysa.

“Hadda ka hor waxaad nagu soo booqatay xarunteenna tababarka, caawana waxaad noo sameysay munasabaddan weyn ee dhiri gelinta ah, aad ayaana kaaga mahad celinaynaa garab istagaaga joogtada ah.”ayuu yiri Macallin Ibraahim Xaamud oo ka hadlay munaasabadda.

Warbixintan Waxaa na Soo Gaadhsiiyey Shafi’i Mohyaddin Abokar Mahadsanid Walaal.