Xog:- Thierry Henry Ayaa Noqday Laacibkii Ugu Fiicnaa Abid Ee Ka Ciyaara Horyaalka PL, Halka Alan Shearer Kaalinta Labaad Soo Galay?

Xog:- Thierry Henry Ayaa Noqday Laacibkii Ugu Fiicnaa Abid Ee Ka Ciyaara Horyaalka PL, Halka Alan Shearer Kaalinta Labaad Soo Galay?
Xog:- Thierry Henry Ayaa Noqday Laacibkii Ugu Fiicnaa Abid Ee Ka Ciyaara Horyaalka PL, Halka Alan Shearer Kaalinta Labaad Soo Galay?

Kevin de Bruyne ayaa xalay la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga sannadka ee PFA ee ugu wanaagsanaa horyaalka Premier League, waxaanu ku garaacay afar laacib oo Liverpool ah iyo saaxiibkiisa Manchester City ee Raheem Sterling, halka laacibkii da’yartana uu noqday Trent Alexander-Arnold.

Kaddib xiddignimada sannadkan, waxa dib loogu noqday laacibiintii ugu fiicnaa ee soo maray horyaalka Premier League, waxaana qiimayn ahaan lagu soo saaray 60kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa oo ay ku jiraan laacibiin aan waligood ku guuleysanin PFA.

Halyeygii Arsenal ee Thierry Henry ayaa noqday laacibkii ugu fiicnaa abid ee ka ciyaara Premier League, waxaanu ku garaacay oo kaalinta labaad ku dhacay weeraryahankii xulka qaranka England iyo Newcastle ee Alan Shearer.

Qiimayntan oo uu sameeyey wargeyska The Athletic, waxa saddexaad iyo afraad soo galay xiddigihii hore ee Manchester United ee Eric Cantona iyo Ryan Giggs, halka Cristiano Ronaldo oo Ballon d’Or ku qaaday Old Trafford uu kaalinta shanaad u dhacay.

Frank Lampard, Roy Keane, Steven Gerrard, Wayne Rooney iyo Sergio Aguero ayaa dhamaystiray 10ka kaalmood ee ugu sarreeya.

Liiska 60ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa horyaalka Premier League oo kasoo bilaabmaya sannadkii 1992kii, waxa aan kusoo bixin oo iska dhex waayey ciyaartooyo wacdaro kasoo dhigay sida Nemanja Vidic, Fernando Torres, Michael Carrick, David Seaman, Denis Irwin, Nicolas Anelka, Dwight York iyo Jermain Defoe.

Xiddiga xalay la caleemo-saaray ee Kevin de Bruyne ayaa liiskan kaga jira kaalinta 24aad waxaanu hal buundo ka sarreeyaa Mohamed Salah oo 25aad ku jira.

Halkan ka akhriso 60ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa Premier League:

60. Les Ferdinand

59. Jamie Carragher

58. Carlos Tevez

57. David de Gea

56. Jurgen Klinsmann

55. Gary Neville

54. Paolo Di Canio

53. Teddy Sheringham

52. Sol Campbell

51. Luka Modric

50. Ruud van Nistelrooy

49. Robin van Persie

48. Robert Pires

47. Edwin van der Sar

46. Claude Makelele

45. Matthew Le Tissier

44. James Milner

43. David Ginola

42. Robbie Fowler

41. Jamie Vardy

40. Gary Speed

39. Virgil van Dijk

38. Raheem Sterling

37. Sadio Mane

36. Michael Owen

35. N’Golo Kante

34. Luis Suarez

33. Harry Kane

32. Cesc Fabregas

31. Yaya Toure

30. Gianfranco Zola

29. Petr Cech

28. Ian Wright

27. Didier Drogba

26. Gareth Bale

25. Mohamed Salah

24. Kevin De Bruyne

23. Tony Adams

22. Andy Cole

21. Vincent Kompany

20. Ashley Cole

19. Paul Scholes

18. David Beckham

17. Peter Schmeichel

16. Eden Hazard

15. Dennis Bergkamp

14. John Terry

13. Patrick Vieira

12. David Silva

11. Rio Ferdinand

10. Sergio Aguero

9. Wayne Rooney

8. Steven Gerrard

7. Roy Keane

6. Frank Lampard

5. Cristiano Ronaldo

4. Ryan Giggs

3. Eric Cantona

2. Alan Shearer

1. Thierry Henry