Xili Ciyaareedka La Liga Wuxuu Noqon Doonaa Mid Dhamaada Sida Uu Sheegay Madaxweyne Javier Tebas?

Xili Ciyaareedka La Liga Wuxuu Noqon Doonaa Mid Dhamaada Sida Uu Sheegay Madaxweyne Javier Tebas?
Xili Ciyaareedka La Liga Wuxuu Noqon Doonaa Mid Dhamaada Sida Uu Sheegay Madaxweyne Javier Tebas?

Madaxweynaha horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa sheegay in xili ciyaareedka 2019/20 la dhamaystiri doono, go’aamadii shalay ay soo saareen UEFA na ay ka caawin doonto arrintaas.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain waxay si wada jir ah u shaqaqayn doonaan ka Ingiriiska oo ay qaab guddi ahaan ah u go’aamin doonaan sida xili ciyaareedyada kala duwan ee ay ku jiraan tartamada Yurub loo dhamaytiri doono, sida uu qoray wargeyska Marca.

Madaxweynaha LaLiga, Tebas ayaa sheegay in horyaalka xili ciyaareedkan ay ku dhamaystiri doonaan taariikho cayiman oo la shaacinayo, isla markaana ay guddi go’aamin doonto waqtiyadaasi.

“Dhacdooyinkani waxay xaqiijin doonaan in aanu dhamaystiri doono xili ciyaareedka, laguna dhamayn doono taariikho la shaaciyey. Guddidani waxay go’aan ka gaadhi doonaan sida ay isku qaadanayaan jadwalka dhamaan tartamada Yurub iyo kuwa dhamaan horyaallada (horyaalada, koobabka kale, Champions League iyo Europa League).” Ayuu yidhi Tebas.

“Way u caddahay qof walba, inay waajib tahay inaanu jadwallada ku xidhiidhino tartamada Yurub, dhamaan kuwa waddamada… Wali waxa jira 11 horyaal oo ay kooxuhu tartamayaan.

“Mar horeba, dhamaadka toddobaadka, waxaanu shan kala duwan u dirnay qorsheyaasha jadwallada oo taariikho kala duwan bilaabmaya Hadafkayagu waa inaanu helno jadwallada dhamaan tartamada Yurub oo dib loogu sameeyey ugu badnaan toban maalmood.”