Xili Ay Sii Socoto Masiibada Cudurka Corona Virus Ayaa Saamayn Ku Yeelan Kara Geedi Socodka Xili Ciyaareedkan?

Xili Ay Sii Socoto Masiibada Cudurka Corona Virus Ayaa Saamayn Ku Yeelan Kara Geedi Socodka Xili Ciyaareedkan?
Xili Ay Sii Socoto Masiibada Cudurka Corona Virus Ayaa Saamayn Ku Yeelan Kara Geedi Socodka Xili Ciyaareedkan?

Xaalada cudurka Corona Virus ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxaysa isla markaana keeni karta in gabi ahaanba laga walwalo in xili ciyaareedkan sidii caadiga ahayd loo dhamaysan kari waayo.

Waxaa jirta cabsi wayn oo sii kordhaysa ee goobaha ay dad waynuhu iskugu yimaadaan, waxaana haddaba la qaaday talaabooyin lagu mamnuucayo garoomadii ay taageerayaasha kubbada cagtu soo buux dhaafin jireen.

Kubbada cagta oo bilaa taageerayaal ahi waa shaah bilaa son kar ah, laakiin marka ay noqoto caafimaadka dad waynaha waxay dawlado badan ku qasbaysaa in ay talaabooyin adag qaadaan si badqabka dadka loo ilaaliyo.

Waxaanu halkan idiiku cadayn doonaa kulamada ilaa hadda la shaaciyay in garoomo madhan lagu ciyaari doono, kuwa ilaa hadda aan wax amar ah laga soo saarin oo ay taageerayaashu tikidhadooda iibsanayaan iyo waliba kuwa xili horeba go’aan rasmi ah laga soo saaray.

Kulan kasta oo Champions League ah ama Europa League ah marka aanu kooxaha wada ciyaarayo soo qaadano waxaanu raacin doonaa haddii ay taageerayaasha loo ogol yahay iyo haddii laga mamnuucay.

Halkan kaga bogo xogta kulamada Champions league ee saamaynta cudurka Corona Virus.

Valencia vs AtalantaTaageerayaasha waa laga mamnuucay kulankan, garoon madhan ayaa lagu ciyaari doonaa.

RB Leipzig vs Tottenham- Taageerayaasha waa loo ogol yahay oo way daawan doonaan.

Liverpool vs Atletico Madrid-Taageerayaasha waa loo ogol yahay oo way daawan doonaan.

PSG vs Borussia Dortmund-Taageerayaasha waa laga mamnuucay kulankan, garoon madhan ayaa lagu ciyaari doonaa.

Juventus vs Lyon- Taageera la’aan in lagu ciyaaro ayaa la filayaa laakiin wali rasmi ma aha.

Manchester City vs Real Madrid- Taageerayaasha waa loo ogol yahay oo way daawan doonaan.

Bayern Munich vs Chelsea- Wali go’aan rasmi ah lagama gaadhin haddii taageerayaasha loo ogolaan doono Allianz Arena.

Barcelona vs Napoli- Dawlada Catalonia ayaa ku dhawaaqday in Camp Nou oo madhan ay Barcelona kula  ciyaari doonto Napoli, laakiin wali rasmi ma aha waxaana la sugyaa go’aan kama danbays ah.

Halkan kaga bogo xogta kulamada Europa League ee saamaynta cudurka Corona Virus.

Inter Milan vs Getafe- Taageerayaasha waa laga mamnuucay kulankan, garoon madhan ayaa lagu ciyaari doonaa.

Sevilla vs Roma- Taageerayaasha waa laga mamnuucay waxaana lagu ciyaari doonaa garoon madhan.

LASK vs Manchester United– Taageerayaasha waa loo ogol yahay in ay soo xaadiraan.

Eintracht Frankfurt vs Basel-Wali go’aan lagama gaadhin haddii taageerayaasha loo ogolaan doono.

Istanbul Basaksehir vs Copenhagen– Kulanka lugta labaad garoon madhan ayaa lagu ciyaari doonaa laakiin kulanka lugta hore wali lama go’aamin.

Wolfsburg vs Shakhtar-Wali go’aan lagama gaadhin haddii taageerayaasha loo ogolaan doono.

Rangers vs Bayer Leverkusen- Taageerayaasha waa loo ogol yahay in ay ka soo xaadiraan.

Olympiacos vs Wolves- Taageerayaasha waa laga mamnuucay, waxaana lagu ciyaari doonaa garoon madhan.

Waqti kasta ayay kulamada taageerayaasha loo ogol yahay isbadali karaan iyada oo ku xidhan saamaynta cudurka Corona Virus laakiin kulamada England tartamada Yurub ee England ka dhacaya ilaa hadda lama hayo cabsi rasmi ah oo laga qabo in taageero la’aan lagu ciyaari karo.

Wixii ka soo kordha kulamada Champions League iyo Europa League xaalada saamaynta Corona Virus waxaad kula socon doontaan wararkeena isla marka ay xog cusubi ka soo korodho.