Xidig Ka Tirsan Kooxda MCC Ayaa Hada Hogaaminaya Liiska Gool Dhalinta Horyaalka Somali Premier League?

Xidig Ka Tirsan Kooxda MCC Ayaa Hada Hogaaminaya Liiska Gool Dhalinta Horyaalka Somali Premier League?
Xidig Ka Tirsan Kooxda MCC Ayaa Hada Hogaaminaya Liiska Gool Dhalinta Horyaalka Somali Premier League?

Faysal Xasan Xaashi Ayaa Kooxdiisa Mogadishu City Club Halkiisa Uga Sii Wada Inuu Gool Dhalinta Wali Ku Sii Jiro Kaalinta Koowaad Ee Liiska Gool Dhalinta Horyaalka Somali Premier League.

Faysal Xasan Xaashi Ayaa Kooxda Mogadishu City Club Uga Ciyaara Dhanka Weerarka Waxaanu Kulankii Kooxdiisu La Ciyaartay Kooxda Gaadiidka Ka Dhaliyey 2-Gool Xili Kulankaasi Uu Ku Soo Idlaaday 3-0 Guushuna Ku Raacday Kooxda MCC.

Waxaa Uu Hore u Haystay 7-Gool Waxaana Labadii Gool Ee Kulankii Gaadiidka Uu Ku Dhaliyey Faysal Xasan Xaashi Ku Sii Dheeraystay Liiska Gool Dhalinta Horyaalka Waxaanu Hada Haystaa 9-Gool Xili Uu Ka Soo Kala Dhaliyey Kooxaha Rajo, Heegan, Jazeera, Dekadaha Iyo Gaadiidka.

Image may contain: 3 people, people playing sports and outdoor

Waxaa Xusid Mudan In Faysal Xasan Xaashi Sanadkii 2015 uu Ahaa Ciyaartoygii Ku Guulaystay Liiska Gool Dhalinta Xili Markaasi Uu Ka Tirsanaa Kooxdii Jeenyo Oo Hada Heerka Labaad u Dhacday Halka Faysal Wixii Intaasi Ka Danbeeyey Aan Soo Gaadhin Halkan uu Hada Kooxda Mogadishu City Club Uu Kula Sugan Yahay Ee Liiska Gool Dhalinta Xili Uu Rajeenaayo Inuu Ku Guulaysto Liiska Gool Dhalinta Ee Horyaalkan.

29-Jamadul Thaani-1441 Axad By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.