Xidhiidhka Kubada Cagta Qaarada Yurub Ee UEFA Ee Beri Maxaa Ugu Weyn Oo Ay Ku Gorfeyn Doontaa?

Xidhiidhka Kubada Cagta Qaarada Yurub Ee UEFA Ee Beri Maxaa Ugu Weyn Oo Ay Ku Gorfeyn Doontaa?
Xidhiidhka Kubada Cagta Qaarada Yurub Ee UEFA Ee Beri Maxaa Ugu Weyn Oo Ay Ku Gorfeyn Doontaa?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa kulanka ay Salaasada yeelan doonaan waxay ku gorfayn doonaan sida ay u qaban karayaan tartanka Euro 2020 iyo qaababka macquulka ah ee loo dhamaystiri karayo tartamada horyaallada kala duwan ee qaaraddaas, gaar ahaan kuwa ay maamusho UEFA sida Champions League iyo Europa League.

Xanuunka Coronavirus ee sida ba’an u faafaya ayaa saamayn ku yeeshay ciyaarihii dunida, waxaana la baajiyey dhamaan tartamadii kala duwanaa, waxaana loo qabtay bisha April laakiin ma muuqato saansaan iyo ifafaale dib loogu bilaabi karayo ciyaarahaas maadaama uu wali sii faafayo Coronavirus.

Marka laga yimaaddo tartamada horyaallada qaaradda Yurub, waxa kale xagaaga soo aaddan bilaabmi lahaa tartanka Euro 2020 oo bisha June horraanteeda lagu daahfuri lahaa magaalada Rome, laakiin sidee ayay taasi u dhici kartaa marka dunidu go’doonkan ku jirto? Su’aashan waxa lagaga jawaabi doonaa shir Salaasada u qabsoomi doona xubnaha UEFA, hase yeeshee waxa la sheegayaa in haddaba ay miiska saaran yihiin soo jeedimo ay ugu xoog weyn yihiin laba arrimood.

Koox ka mid ah masuuliyiinta UEFA waxay doonayaan in UEFA ay raacdo qorshaha FIFA ee koobka Adduunka 2022 lagu qaban doono waddanka Qatar, kaas oo ah in tartanka UERO 2020 bisha June loo riixo bisha December ee soo aaddan, waqtigaas oo ay suurtogal tahay in xanuunkan laga adkaado maadaama waddanka China ee uu kasoo bilaabmay uu saddex bilood ku xakameeyey, haddana u muuqdo inuu bad-qab ka noqonayo.

Arrinta labaad ee lasoo jeedinayo waxay tahay in sannadka dambe loo riixo qabashada tartanka, laakiin go’aanka kama dambaysta ah waxa la ogaan doonaa Salaasada marka uu dhamaado shirka xubnaha UEFA.