Home Premier League

Xiddigii hore Man Utd Uga Tirsanaa Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus.

Xiddigii hore Man Utd Uga Tirsanaa Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus.
Xiddigii hore Man Utd Uga Tirsanaa Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus.

Xiddigii hore ee qadka dhexe uga dheeli jiray kooxda Man United Marouane Fellaini ayaa noqday ciyaariyahankii ugu dambeeyay ee laga baadhay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ isla markaana waxaa soo baxday in laacibkani uu qabo cudurkan aduunkan haadan khalkhalka geliyey.

Xiddiga reer Belguim ayaa noqday ciyaariyahankii ugu horreeyay ee ka ciyaara horyaalka Shiinaha ee loo yaqaan ‘Super League’ fellaini ayaa ah laacibka keliya ee cudurkan laga helay horyaal super league-ga china, kooxda uu ka tirsanyahay ee Shandong Luneng ayaa ku dhawaaqday in la karantiilayo fellaini.

Horyaalka dalka china ayaa mudoba ku jiray hakad ka dib markii uu dalkaas si baas u halakeeyey cudurka corona virus, inkastoo uu imika saamaynta cudurkani ku leeyahay dalka china ay sii yaraanayso.