Xiddiga Liverpool Alexander-Arnold ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka da yarka sannadka ee PFA.

Xiddiga Liverpool Alexander-Arnold ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka da yarka sannadka ee PFA.

21 jirkan ayaa dhigay rikoor ah inuu sameeyey gool caawintii ugu badnayd ee difaac sameeyo sanadkan ee horyaalka Premier League-ga ah xilli ciyaareedkii 2019-20.

Daafaca midig ee kooxda Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka da yarka ee sanadkan.

Alexander-Arnold ayaa ku garaacay abaalmarintan xidigo aad u fara badan oo ay ku jiraan labada labada da yar ee Man United Marcus Rashford iyo Mason Greenwood iyo weliba Xiddigaha Chelsea ee Tammy Abraham iyo Mason Mount; iyo da ‘yarta Arsenal Bukayo Saka.

abaalmarintan waxa ku tartama ciyaartoyda 21 ah ama ka yar, Alexander-Arnold ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday soo bandhigay wax qabad ayaad u heer sareeyey waxaanuu kooxdiisa liverpool ka caawiyey inay ku guulaysato horyaalka dalka ingiriiska mudo 30 sanno ah ka dib.