Xiddiga diirada u saaran Chelsea iyo Man Utd Edinson Cavani ayaa laga saaray kooxda PSG

Xiddiga diirada u saaran Chelsea iyo Man Utd Edinson Cavani ayaa laga saaray kooxda PSG
Waa Maxay Go'aanka Ay Qaateen Maamulka Iyo Madaxda Kooxda Man United Ee La Xidhiidha Edinson Cavani Kana Tirsan Kooxda Paris Saint-Germain.


Mustaqbalka Edinson Cavani wuxuu ahaa mid si aad ah loo hadalhayo inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga bisha Janaayo,
Xiddiga diirada u saaran Chelsea iyo Manchester United Edinson ee Cavani ayaa laga saaray liiska kooxda, Paris Saint-Germain ka dib markii uu gudbiyay codsi ah in la iibiyo. PSG ayaa wajihi doonta Remis kulan ka tirsan tartanka French League Cup caawa halka xiddiga reer Uruguay ayaa gabi ahaanba laga saaray liiska kooxda remi ka hortegi doonta caawa

Express Sport ayaa ku waramaysa in kooxaha Chelsea iyo Manchester United ay xiiseynayaan saxiixa Cavani kuna hawlanyihiin sidii ay PSG ugala soo wareegi lahaayeen xidigan, Labada kooxood ee Premier League ka dheela ayaa suuqa ugu jira gooldhaliyeyaal cusub ka dib markii dhaawacyo ay ka soo gaareen Abraham iyo Rashford.

Xiddiga Chelsea Tammy Abraham ayaa dhaawac uu soo gaadhay intii lagu guda jiray isku aadka kulankii xalay ay la ciyaareen kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal, waxaana tababare Frank Lampard uu ka xumaaday sida ay kooxdiisu awoodi weysay inay goolal dhaliyaan.

Wuxuu yiri lampard : “iskuma hubno inaanu suuqa ka heli doono weerar-yahan, laakiin waxaanu samayn doonaa isku day ah inaanu la soo saxeexano gool dhaliye maadaama oo aanu u baahan nahay inaanu goolal badan dhalino

Lampard ayaa hore u sheegay sida uu u jecel yahay 32 jirkan weerarka ka xamaasha.

Waxa uu yiri: “Waa ciyaaryahan weyn; marwalbana waan jeclahay maskaxdiisa iyo dhaqankiisa, rikoorkiisa gooldhalinta ayaa iska u hadlaaya.

United ayaa sidoo kale waxaa ka maqnaan doona xidigooda Marcus Rashford ka dib markii weeraryahanku dhaawac dhabarka ah uu ka soo gaadhay dhabarka, Rashford ayaa dhaliyay 14 gool oo ka mid ah 36ka gool ee United ay dhalisay Premier League xilli ciyaareedkan waxaana laga yaabaa inay u baahdaan inay bedel u helaan hadii Red Devils ay rabto inay ku dhameysato afarta sare.

Cavani ayaa leh rikoor gooldhalin heer oo cajiib ah, isagoo dhaliyay 315 gool, 577 kulan, waxaana uu u noqon karaa xalka labada koox ee dhanka weerarka,
Xiddiga reer Uruguay ayaa ugu soo biiray PSG sanadii 2013 lacag gaareysa 55 milyan oo ginni, waxaana uu dhaliyay 198 gool 292 kulan uu u saftay kooxda Parisians.