Xiddiga Brescia Tonali ayaa Ka degay Milan si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Ac Milan

Xiddiga Brescia Tonali ayaa Ka degay Milan si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Ac Milan

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Talyaani ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro ku biiristiisa San Siro oo muddo dheer la sugayay, ka dib seddex sanno oo cajiib ah oo uu ku qaatay garoonka Mario Rigamonti Stadium ee kooxda Brescia.

Xiddiga Brescia Sandro Tonali ayaa soo gaadhay magaalada Milano si uu tijaabada caafimaadka ugu maro ka hor heshiis amaah ah oo uu ugu soo wareegayo kooxda ac milan

shabakada Goal ayaa soo werinaysa in AC Milan ay heshiis amaah oo hal sano ah kula soo saxiixan doonto Tonali isla markaana ay sanadkaa siin doonan 10 milyan oo euro (£ 9m / $ 12m) kooxda Brescia,

Ac milan ayaa ikhtiyaar u leh inay 15 milyan oo euro (£ 14m / $ 18m) xagaaga dambe si rasmi ah uga wareegaan Tonali.

Heshiiska ugu dambeeya wuxuu ku dhamaan karaa wadar ahaan € 35m (£ 32m / $ 41m), 20 jirkaan ayaa lagu soo bandhigi doono San Siro ka dib marka uu dhameystiro caafimaadka Arbacadii.

Tonali ayaa ka codsaday halyeeyga Rossoneri ee Gennaro Gattuso, oo haatan ah madaxa kooxda Napoli inuu ogolaansho u siiyo inuu xirto maaliyada caanka ah ee No.8, maaliyadaas oo uu hore u xidhan jiray Gennaro Gattuso, Tonali ayaa taageero wayn u ah Gennaro Gattuso waana sababta uu u doonayo inuu xidho maaliyadiisii.

Tonali ayaa 89 kulan u saftay dhamaan tartamada oo dhan kooxda Brescia tan iyo markii uu ka soo qalin jabiyay kooxdooda yar yarka ah sanadkii 2017, isagoo dhaliyay lix gool isla markaana sameeyey 16 caawin.

Halkan hoose ka daawo xiddiga cusub ee ac milan oo ka degay magaalada milano.