Xiddig Arsenal Ka Tirsan Oo koox Iiibsaday. Waa Kuma?

Xiddig Arsenal Ka Tirsan Oo koox Iiibsaday. Waa Kuma?

Xiddiga Arsenal ee Hector Bellerin ayaa ku dhawaaqay inuu saami ku yeeshay kooxda Forest Green Rovers.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay majalada The Athletic, xiddiga Arsenal ayaa shaaca ka qaaday inuu qaatay saamiga laga tirada badan yahay (minority share) ee kooxdan ka ciyaarta heerta Labaad dalka ingiriiska.

Forest Green, waxaa iska leh warshadda tamarta cagaaran ee Dale Vince, FIFA ayaa u aqoonsatay ‘kooxda kubbadda cagta ee ugu cagaaran adduunka’ Qaramada Midoobayna waxay u xaqiijisay inay yihiin naadigii ugu horreeyay ee lagaalama is bedelka cimilda aduunka.

Bellerin – oo ah dadka cuna cuntada khudaaarta laga sameeyey oo keliya ayaa aad u jecel arrimaha deegaanka – wuxuu sheegay inuu doonayo inuu taageero hamigooda iyo himilooyinkooda, oo la jaan qaadaysa tiisa.

“kooxdan uu bellerin iibsaday ayaa cuntada keliya ee ay cunaan ka samaysantahay khudaar waxayna dadka ku dhiirigeliyaan in la joojiyo cunida hilibka isla markaa la cuno waxyaabaha khudaarta laga sameeeyey.

“Bellerin ayaa mar uu ka waramaayey sababta uu kooxdan saamiga ugu yeeshay sheegay inay tahay koox si wanaagsan loo maamulo isla markaana u ololaysa arrimaha deegaanka iyo ka hor taga is bedelka cimilada.”