Xaqiijin:- Kulankii Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona Ee Tartanka ICC Oo La Baajiyey?

Xaqiijin:- Kulankii Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona Ee Tartanka ICC Oo La Baajiyey?
Xaqiijin:- Kulankii Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona Ee Tartanka ICC Oo La Baajiyey?

Tartanka ciyaaraha xagaaga ee International Champions League (ICC) ee ay kooxuhu ciyaaraan xilliyada fasaxa ayaa si rasmi ah loo shaaciyey in la kansalay, kaddib markii uu xanuunka Coronavirus ku faafay adduunka oo dhan.

Qaban-qaabiyeyaasha tartanka ICC ee Relevent Sports Group ayaa shaaciyey in sannadkan 2020 aan la ciyaari doonin ciyaarihii ay kooxaha Yurub ugu qaban jireen waddamada Maraykanka iyo Asia, isla markaana ay dib u bilaabi doonaan kulamada sannadka dambe.

War-saxaafadeed ay soo saareen Relevent Sports Group ayaa waxay ku sheegeen in caafimaadka iyo badqabka ciyaartoyda, shaqaalaha iyo taageereyaasha kulamada ka qayb-gelaya ay mar walba mudnaanta leeyihiin.

Bayaankan ayaa lagu yidhi: “Caafimaadka iyo badqabka ciyaartoyda, shaqaalaha, taageereyaasha iyo dhamaan dadka ku lugta leh ciyaaraha ayaa mar kasta muhiim ah.”

Waxa kale oo ay Qabanqaabiyeyaashu sheegeen in mar haddii aanay caddayn waqtiga la qaadayo mamnuucidda in bulshadu meel iskugu timaaddo ama ay dadku kala durkaan ay hubanti la’aan ka dhigayso jadwalka ciyaaraha caalamiga ah, ayna jirto suurtogalnimo ah in ciyaaraha waddamada Yurub iyo tartama UEFA (Champions League iyo Europa League) la dheelo bisha August, in taasi ay tartanka ICC ka dhigayso mid aanay caqli gal ahayn in la qabto.

PFA] ICC Final: Real Madrid CF vs FC Barcelona - YouTube

Laakiin waxay ballanqaadeen in sannadka dambe ee 2021 ay Asia iyo Maraykanka ku qaban doonaan ciyaaro ay iskugu keeni doonaan kooxaha ugu magaca weyn leh.

Tartanka ICC ee sannadkan, waxa qorshuhu ahaa inay ka mid noqoto ciyaar El Clasico ah oo ay isku arki lahaayeen Real Madrid iyo Barcelona oo ku ciyaari lahaa waddanka Maraykanka, waxaanay taasi ku jiraysaa kulamada baaqday.

Wargeys kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu sheegay in labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ay waayi doonaan lacago kasoo geli lahaa kulankooda Maraykanka, taas oo ka caawin lahayd inay kasoo kabtaan dhaqaale burburka uu u keenay xanuunka Coronavirus.

Real Madrid iyo Barcelona ayuu wargeysku sheegay in mid walba ay waayi doonto 18 milyan oo Euro oo ay ciyaartaas ka heli lahayd.