Xanuunka Aduunka Ka Qaylisiiyey Ee Coronavirus Ayaa Saamayn Ku Yeeshay Kulamo Ka Tirsan Horyaalka UEFA Champions League?

Xanuunka Aduunka Ka Qaylisiiyey Ee Coronavirus Ayaa Saamayn Ku Yeeshay Kulamo Ka Tirsan Horyaalka UEFA Champions League?
Xanuunka Aduunka Ka Qaylisiiyey Ee Coronavirus Ayaa Saamayn Ku Yeeshay Kulamo Ka Tirsan Horyaalka UEFA Champions League?

Kulamo badan oo ka tirsan tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League ayuu saamayn xun ku yeeshay xanuunka aduunka kaga qaylisiiyay waxaana jira go’aamo soo baxay oo la shaaciyay.

Kulamo ka tirsan lugta labaad ee wareega 16ka kooxood ee Champions League ayaa la qorsheeyay in lagu ciyaari doono garoomo albaabada loo xidhay oo ayna wax taageerayaal ahi ka soo xaadiri doonin sababtoo ah cabsi laga qabo in xanuunka Coronavirus uu sii faafo.

Image result for Coronavirus

Wasiirka caafimaadka dalka Spain ee Salvador Illa ayaa shaaciyay in kulamada kooxaha Valencia-Atalanta, Barcelona-Napoli, Sevilla-Roma iyo Getafe-Inter Milan lagu ciyaari doono garoomo ay albaabadu u xidhan yihiin oo taageerayaasha laga mamnuucay.

Kulankii San Siro ee kooxda Atalanta ay la ciyaartay Valencia ayaa ku dhamaaday 4-1 ay kooxda Atalanta guul wayn ku gaadhay laakiin kulanka lugta labaad ee Champions League ayaa ka dhici doona dalka Spain maalinta March 10,2020 waxaana kulankan lagu ciyaari doonaa Mestalla Stadium oo madhan.

Xanuunka Coronavirus ayaa si wayn ugu faafay dalka Talyaaniga iyada oo sidoo kale kiisas badan lagu arkay dalka Spain waxayna tani keentay cabsi wayn oo ah in taageerayaasha kulamadan ka soo qayb gali lahaa ay sii kordhiyaan halista Coronavirus.

Barcelona ayaa barbaro 1-1 ah Talyaaniga kula soo gashay kooxda Napoli wuxuuna kulanka lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ka dhici doonaa Camp Nou laakiin waxa uu kulankani noqon karaa mid cidlo ah oo taageerayaasha garoonka laga mamnuuci karo balse wali si rasmi ah kulankan looma shaacin in go’aan kama danbays ah laga gaadhay.

Waxaa la soo jeediyay in dhamaan kulamada Champions League ee aan sare ku soo xusnay lagu ciyaaro garoomo madhan waxayna taasi dhaqaale xumo wayn ku ridi doontaa kooxaha reer Spain ee doonayay in ay markooda lacago badan ka helaan kulamada Champions League.

Ilaa hadda waxaa jira talooyin caafimaad oo laga soo jeediyay in kulamada Valencia-Atalanta, Barcelona-Napoli, Sevilla-Roma iyo Getafe-Inter Milan lagu ciyaaaro garoomo madhan laakiin kulanka Barcelona ay soo dhawaynayso Napoli ayaan la hubin in taageerayaasha laga joojin karo.

Garoonka Camp Nou waxaa kulamada Champions League ka soo xaadira dad gaadhaya boqol kun oo qof wayna adag tahay in garoonka oo madhan ay Barcelona aqbali doonto in ay Napoli kula ciyaarto balse waxaa socda go’aamo rasmi ah oo arintan laga gaadhi doono.

Image result for Coronavirus

Halista fiditaanka xanuunka Corona Virus ayaa faro baas ku haya waddamo badan oo aduunka ah iyada oo hore loo baajiyay kulamo badan oo horyaalka Talyaaniga ka tirsanaa iyada oo taariikho cusub loo sameeyay oo la ciyaari doono.

Wixii ka soo kordha kulamada Champions League iyo saamaynta cudurka Corona Virus waxaad insha Allah kula socon kartaan wararkeena soo socda isla marka xogi ka soo koradho.