Home Premier League

Xaalada Adag Ee Kooxda Man United Wajahayso Ayaa Go’aankeeda Laga Sugayaa Macalinkooda Ole Gunnar Solskjaer?

Jawaabta Uu Solskjaer Ka Helay Halyeey Kooxda Man United Ma u Keeni Kartaa Ciyaartoy Shan ah?
Jawaabta Uu Solskjaer Ka Helay Halyeey Kooxda Man United Ma u Keeni Kartaa Ciyaartoy Shan ah?

Manchester United ayaa waajahaysa xaalad adag oo looga baahan yahay inay qaadato go’aamo ay ku kala yaraynayso tiro ciyaartooyo ah oo hal boos oo kaliya ku tartamaya, kuwaas oo aanay suurtogal ahayn in dhamaantood ay saldhigaan Old Trafford.

United ayaa shalay dhamaystirtay saxeexa goolhayaha 16 jirka ah ee Radek Vitek oo u dhashay waddanka Czech Republic iyadoo kasoo qaadatay kooxda Sigma Olomouc, waxaanu Old Trafford soo gaadhi doonaa bisha July.

Hore waxa usii joogay Manchester United oo uu ugu iman doonaa Nathan Bishop oo hore kursiga kaydka iyo heerarka kala duwan ee kooxda ay ugu sii dagaallamayeen Lee Grant iyo Matej Kovac oo rajaynayay inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee kooxda koowaad ka dhaxli doona David de Gea.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer, waxa afartan goolhaye ee sare ku xusan ay u kordhinayaan liiska ciyaartoyda goolka ee uu hore u haystay oo kala ahaa David de Gea oo ahaa goolhayaha koowaad, Sergio Romero oo goolhayaha labaad ah, Dean Henderson oo kasoo noqonaya amaah uu isku muujiyey oo Sheffield United uu ug ciyaaro, lana rumaysan yahay midka Dea Gea beddeli doona.

Waxa intaa usii raaca afarta da’yar ee Paul Woolston, Jacob Carney, Ondrej Mastny iyo Johan Guadagno. Waxa kale oo la la socda, Kieran O’Hara oo kooxda koowaad la tababarta, sidoo kalena ka mid ahaa ciyaartoydii loo xulay ciyaartii Europa League ee LASK.

Tirada ciyaartoydan waa 12 waxaana xalkooda iyo siday u ciyaarayaan laga sugayaa tababare Ole Gunnar Solskjaer.