Wuxuu Ahaa Kulan Lagu Qaatay Sideed Kaadh Casaan Waliba La Isku Gumaaday Feedh Iyo Laag?

Wuxuu Ahaa Kulan Lagu Qaatay Sideed Kaadh Casaan Waliba La Isku Gumaaday Feedh Iyo Laag?
Wuxuu Ahaa Kulan Lagu Qaatay Sideed Kaadh Casaan Waliba La Isku Gumaaday Feedh Iyo Laag?

Kulankii u dhaxeeyay kooxda Gremio iyo kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Internacional ayaa ku dhamaaday si qalalaaso ah ka dib markii SIDEED ciyaaryahan casaan la siiyay.

Waa markii ugu danbeysay ee kooxaha reer Brazil ee Porto Alegre Derby ay isku arkaan tartanka Champions League ee Latin America ee loo yaqaanao Copa Libertadores.

Jawiga garoonka dhexdiisa ayaa mar walba aad u kacsan marka ay kulmayaan labada kooxood ee deriska ah.

Laakiin xiisada ciyaarta ayaa sarre u kacday markii ay ciyaarta u socotay barbaro goolal la’aan ah, Waxaana bilowday dagaal markii ay isku dhaceen xiddiga Internacional ee Edenilson iyo laacibka kooxda Gremio Luciano da Rocha Neves.

Dagaalka ayaa weynaaday markii ay qeyb qaateen ciyaartoyda labada kooxood iyo shaqaalaha labada kooxood oo iyaguna garoonka soo galay.

Muuqaalada la duubay ayaa soo bandhigay ciyaartoyda oo isku dhex jiidjiidaya garoonka dhexdiisa halka kuwa kale ay Laag ama darbo iyo feedh isla dhaceen.

Garsooraha iyo caawiyayaashiisa ayay amakaak ku noqotay waxa hortooda ka dhacaya Markii rabshada ay joogsatay ugu danbeyn, garsooraha ayaa la tashaday caawiyayaashiisa ka hor inta uusan bixinin sideed kaar oo casaan ah.

Gremio waxaa casaan laga siiyay Neves, Pepe, Caio Henriue Oliveira Silva iyo Paulo Miranda.

Halka Kooxda Internacional ayaa iyagana afar ciyaaryahan casaan laga siiyay oo ay ka mid yihiin Edenilson, Moises Roberto Barbosa, Victor Cuesta iyo Bruno Conceicao Praxedes.

Inkastoo labada kooxood ay ku dhameysteen ciyaarta min todoba xiddig, hadana uma dhaweyn rikoodhka casaan ee la bixiyay kulanka Copa Libertadores.

Kulan u dhaxeeyay Sporting Cristal iyo Boca Juniors waxaa la bixiyay 19 kaar casaan ah oo la siiyay ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka.