Wixii Ku Dhacay Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona Waaba Dhacdadii Qabsatay 65-Sano Ka Hor.

Wixii Ku Dhacay Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona Waaba Dhacdadii Qabsatay 65-Sano Ka Hor.
Wixii Ku Dhacay Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona Waaba Dhacdadii Qabsatay 65-Sano Ka Hor.

Labada kooxood ee ugu weyn waddanka Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa xalay loo diiwaangeliyey natiijooyin niyad jab leh oo ay ugu dambayaysay muddo laga joogo 65 sannadood.

Los Blancos oo joogta garoonkeeda ayaa waxa 4-3 ku karbaashtay Real Sociedad, sidoo kalena Barcelona oo marti u noqotay Athletic Bilbao ayaa lagu soo garaacay 1-0, waxaanay labadooduba sidaas kaga soo hadheen tartanka Copa del Rey oo ay afar kooxood oo kali iskugu soo hadheen.

Guul-darrada sida wada-jirka ah usoo gaadhay Barcelona iyo Real Madrid, waxay keentay in hal meel loogu qoro rikoodh xun oo ay ka midaysan yihiin, kaas oo muddo dheer la hadal hayn doono.

Real Madrid captain Sergio Ramos (L) and Barcelona skipper Lionel Messi (R)

65 sannadood ka hor oo ku beegnayd sannadkii 1955-kii ayaa ugu dambaysay in Barcelona iyo Real Madrid hal mar laga wada reebo tartanka Copa del Rey, waxaana xilligaas kooxihii bahdilay ladan kooxood ku jirtay Athletic Bilbao oo xalayna karbaashtay Barcelona.

Wareeggii semi-finalka ee 1955-kii, Real Madrid waxay la ciyaartay Sevilla waxaanay la kulantay guul-darro, sidoo  kalena Barcelona ayey kulmeen Athletic Bilbao, waxaanay usoo garaacday si la mid ah sidii xalay oo kale, finalkiina waxa isugu tegay Sevilla iyo Athletic Bilbao.

Real Madrid iyo Barcelona waxay haystaan labada tartan ee LaLiga iyo Champions League oo ay wali ku jiraan, waxaanay u baahan yihiin inay cududdooda isugu geeyaan sidii ay halkaas ugu kala adkaan lahaayeen.

Real Madrid oo hoggaanka horyaalka saddex dhibcood ku haysa, waxay wareegga 16-ka Champions League la ciyaari doonaa Manchester City, halka Barcelona oo LaLiga kaalinta labaad ku jirta ay waajihi doonto Napoli.