Willian Borges Oo Ka Tagaya Kooxda Chelsea Balse Maku Biiri Doonaa Kooxda Barcelona?

Willian Borges Oo Ka Tagaya Kooxda Chelsea Balse Maku Biiri Doonaa Kooxda Barcelona?
Willian Borges Oo Ka Tagaya Kooxda Chelsea Balse Maku Biiri Doonaa Kooxda Barcelona?

Xiddiga Chelsea ka sii jeeda ee Willian Borges ayaa la soo warrinayaa in saxeexiisa loo bandhigay kooxda reer Spain ee Barcelona oo la xasuusto inay sanadihii ugu dambeeyay dhawr jeer saxeexiisa isku dayday.

Sida uu sheegayo wargeyska Sport haatan, Barcelona ayaa miiska loo saaray saxeexa Willian oo ah xiddig ay kooxdaasi jeceshahay balse markan ayay iska diideen inay la wareegaan maadaama oo ay leeyihiin xiddigo kale oo muhiimada koowaad u ah.

Willian ayaa koox kasta oo saxeexiisa soo dalbata ka doonaya mushahar sarreeya iyo waliba qandaraas saddex sano ah waana sababta ay Barca uga leexatay una doonayso saxeexa xiddig da’ ahaan isaga ka yar.

Marka laga yimaado diidmadan hordhaca ah Warbixinta ayaa intaas ku daraysa inaysan Barca gabi ahaanba meesha ka saarin inay la wareegto Willian walow uu haatan u muuqdo mid uga dhaw ku biirista Paris Saint-Germain ama Tottenham midkood.

Willian ayuu matalaa wakiil Kia Joorabchian oo sidoo kale wakiil u ah daafaca bidix ee Paris Saint-Germain ee Lyvin Kurzawa oo ay saxeexiisa Barcelona si xor ah u doonayso suuqa soo socda.

Barcelona ayaa saxeexa Kurzawa u aragta xiddig ku haboon maadaama oo uu xor noqonayo iyagoo u arka bedelka ugu haboon ee Junior Firpo oo ay doonayaan inay iska iibiyaan.

Sida uu sheegayo Sport, Willian ayaa ahaa mid ku dhaw ku biirista Barcelona sanadihii hore balse ay Chelsea markasta lacago aad u badan ku dalban jirtay iibkiisa haatan waa bilaash balse waxa ay u muuqataa in fursadu ay dhaaftay.