Home Premier League

Willian Ayaa Kooxda Liverpool u Xidhan Doona Lambarkan Hadii Uu Ku Soo Biiro?

Willian Ayaa Kooxda Liverpool u Xidhan Doona Lambarkan Hadii Uu Ku Soo Biiro?
Willian Ayaa Kooxda Liverpool u Xidhan Doona Lambarkan Hadii Uu Ku Soo Biiro?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo ay wararku sheegayaa in ay kooxdu haatanba wadahadalo kula jirto xiddiga reer Brazil.

Liverpool ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay xiddiga ku hesho heshiis xor ah waliba miiska u saarto heshiiska 3-da sano ah ee ay chelsea diiday in ay siiso xiddiga.

Willian ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan Liverpool ayaana si lama filaan ah ugu cad-cad saxiixiisa kadib markii ay wadahadalo la fureen xiddiga 24-kii saa ee la soo dhaafay.

Reds ayaa doonaysa in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga todobaadyada soo socda si ay uga fogaato tartan ay kala kulanto kooxaha doonaya saxiixiisa.

Wargayska Sporsmole ayaa haatanba sheegay Lambarka uu Willian  u xidhan doono Reds hadii uu ku biiro kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.Advertisements

Willian ayaa haatan Chelsea u qaata Lambarka No.10 laakiin Liverpool waxa Lambarkaas u qaata xiddiga Sadio Mane kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Sidaas darteed Willian  ayaa kooxda Liverpool u qaadan doona Lambarka No.22 oo uu muddo dheer u qaadanayay kooxda Chelsea ka hor intii uuna la wareegin Lambarka No.10 xili ciyaareedkan.

Lambarka No.22 waxa haatan Liverpool u qaata Goolhayaha 4-aad ee Andy Lonergan laakiin Goolhayaha da’da ah ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.