Wiilkii Soomaaliga ahaa Ee Mukhtaar Cali Una Soo Ciyaaray Kooxda Chelsea Ayaa Waraysi Bixiyey Kana Hadlay Hadii Uu Ku Sii Sugnaan Lahaa Kooxda Chelsea?

Wiilkii Soomaaliga ahaa Ee Mukhtaar Cali Una Soo Ciyaaray Kooxda Chelsea Ayaa Waraysi Bixiyey Kana Hadlay Hadii Uu Ku Sii Sugnaan Lahaa Kooxda Chelsea?

Da’yarka Soomaaliyeed ee Mukhtar Ali oo ahaa xiddig soo matalay kooxda Chelsea isla markaana hibo weyn lahaa oo rajo laga qabay ayaa ka hadlay go’aankii uu kaga tagay kooxdaas iyo asxaabtiisii Tammy Abraham iyo Mason Mount.

Ali oo diiday mar inuu ku biiro Man City ayaa sagaal sano kusoo qaatay Blues isagoo door weyn ka lahaa kooxdii kusoo wada guuleysatay UEFA Youth League iyo FA Youth Cup wakhtigaasna la koox ahaa Mount iyo Abraham.

Si kastaba, Kaddib markii uu soo galay kooxda ay da’doodu ka yartahay 23-ka ee Chelsea, Khadkan dhexe ee bur-buriyaha ah ayaa u dhaqaaqay xagaagii 2017 kooxda ree Holland ee Vitesse.

Ali ayaa intaas kaddib ku dhibtooday inuu wakhti ciyaareed ku filan ka helo kooxda Vitesse waxaana uu bishii August u wareegay dhinacaas iyo dalka Saudi Arabia oo uu qaran ahaana matalo isagoo ku biiray kooxda Al Nassr.

Chelsea Transfer News: Done deal, Conte talks move, star told to ...

Haddaba, Mukhtar Ali oo imika waraysi bixiyay ayaa ugu horreynba sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka xiddigihii ay asxaabta ahaayeen ee Tammy Abraham iyo Mason Mount oo uusan wax hinaase ah qabin.

22 sano jirkan ayaa hadalkiisa ku bilaabay “In iyaga lagu arko shaxda Chelsea waxa ay farxad u tahay qofkasta oo qayb ka ahaa kooxda da’yarta, Anigu waligay ma eegin xaalada haatan oo kumaan fikirin aniga ayay ahayd inaan noqdo, Sababtoo ah iyaga ayaan aad ugu faraxsanahay”.

“Tammy (Abraham) waxa uu markasta ahaa mid kaliya doonayay inuu goolal dhaliyo waxaanad midaas ka arki kartaa isagoo aad u yar halka uu ka ciyaarayo, Mason (Mount) sanad ayuu naga yaraa anaga laakiin wax badan ayuu anaga nagala ciyaaray kooxda da’yarta tayadiisana toos ayaad u arki karaysay”.

Dhinaca kale Mukhtar oo ka hadlaya ka tagistiisii Chelsea ayaa yidhi “Haddii aan Chelsea la joogi lahaa xiddigaha da’doodu ka yartahay 23-ka, Waxaan ku fikiray inaanan sidan dhakhsaha badan u horumareen Umaan malaynayn inaan kooxda koowaad diyaar u ahaa, Sidaasi darteed waxay ahayd inaan maro wado kale”.