WhoScored Ayaa Soo Saartay Todobada Kooxood Ee Aan Hoygooda Looga Badin Horyaalada Qaarada Yurub Hadaba Waa Kooxahee?

WhoScored Ayaa Soo Saartay Todobada Kooxood Ee Aan Hoygooda Looga Badin Horyaalada Qaarada Yurub Hadaba Waa Kooxahee?
WhoScored Ayaa Soo Saartay Todobada Kooxood Ee Aan Hoygooda Looga Badin Horyaalada Qaarada Yurub Hadaba Waa Kooxahee?

Waxa wali maqan horyaalada ugu waaweyn qaarada Yurub si lamid ah inta badan kubadda cagta ee guud ahaan dunida maadaama oo caalamku la tacaalayo sidii lagu joojin lahaa xanuunka Coronavirus oo caqabado badan keenay.

Iyadoo ay meesha ka baxday maaweeladii badnayd ee kubadda cagtu, saxaafada kala duwan ayaa haatan isku dayaysa inay xogo badan soo bandhigto si loogu sii maaweeloodo mudadaas.

Waxa haatan shaaca laga qaaday liiska toddoba kooxood oo aan wali kulamada horyaalka dhinacooda dhulka la dhigin marka ay garoomadooda joogaan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaarada Yurub.

Liiskan ayay hoggaaminaysaa Liverpool oo aan mudo garoonkeeda tartamada oo dhan lagaga adkaan kahor guuldarradii Atletico Madrid kasoo gaadhay ee Champions League, Reds ayaan 15 kulan oo ay Anfield ku ciyaareen horyaalka wali laga adkaan.

Clubs with most wins in Europe's top five leagues - EssentiallySports

Waxa soo raaca Barcelona, Lazio iyo Valencia oo dhammaantood horyaaladooda qaab fiican uga dhex muuqda kuwaas oo min 14 kulan oo ay garoomadooda ku ciyaareen horyaaladoodaas aan wali dhinacooda dhulka la dhigin.

Juventus oo 13 jeer ah hoggaankana u haysa horyaalka Serie A iyo sidoo kale Real Madrid oo booska labaad kaga jirta La Liga ayaa min 13 kulan ah halka Borussia Dortmund oo qayb ka ah loolanka horyaalka Bundesliga ay 12 kulan tahay.

Kooxda Liverpool (15 matches)

Kooxda Barcelona (14)

Kooxda Lazio (14)

Kooxda Valencia (14)

Kooxda Juventus (13)

Kooxda Real Madrid (13)

Kooxda Borussia Dortmund (12)