Home BundesLiga

Waxyaabaha Mudan In Lagaga Hadlo Shirka UEFA Ee Maanta Oo Si Weyn Loo Sugaayey Maalmahanba?

Waxyaabaha Mudan In Lagaga Hadlo Shirka UEFA Ee Maanta Oo Si Weyn Loo Sugaayey Maalmahanba?
Waxyaabaha Mudan In Lagaga Hadlo Shirka UEFA Ee Maanta Oo Si Weyn Loo Sugaayey Maalmahanba?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa maanta yeelanaya shir xaasaasi ah oo lagu tilmaamay midkii ugu muhiimsanaa ee uu madaxweynaha hadda ee Aleksander Ceferin guddoomiyo intii uu xilka hayey.

Shirkan oo ka dhacaya magaalada Nyon ee waddanka Switzerland waxa ka qayb-gelaya 55 xubnood oo markii ugu horreysay aan iskugu imaynin hoolka laakiin shirkooda kaga qayb-gelaya muuqaal daawasho ah, waxaana horyaalla ajandeyaal adag oo go’aanka kasoo baxa uu saamayn ku yeelan doono tartamada Champions League iyo Europa League ee hadda loo joojiyey xanuunka Coronavirus iyo waxa laga yeeli doono tartanka EURO 2020 ee bisha June ka bilaabmi doono waddanka Talyaaniga.

Marka ay saacadda Geeska Afrika tahay 2-da duhurnimo ayaa dhamaan xubnuhu iska xaadirin doonaan shirka uu shirku furmi doonaa, waxaana laga doodi doonaa sida loo badbaadin karayo tarmada ay UEFA maamusho ee iyagoo socda la joojiyey iyo kuwa kale ee soo aaddan, isla markaana loo ilaalinayo caafimaad-qabka bulshada iyadoo la xakamaynayo xanuunka halista ah ee Coronavirus.

Xubnaha muhiimka ah ee shirkan ka qayb-gelaya waxa ka mid ah Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska, Greg Clark, Guddoomiyaha FA-ga Talyaaniga, Gabriele Gravina, Guddoomiyeyaasha xidhiidhada Germany iyo Spain, Fritz Keller iyo Luis Rubiales oo sidoo kalena ah Madax-weyne ku-xigeenka UEFA.

Waxa kale oo shirkan qayb ka ah Ururka naadiyada Yurub ku midaysan yihiin ee ECA oo xubnaha ugu tunka weyn ee ku jira ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka Manchester United, Ed Woodward, FIFPro iyo ururrada horyaallada Yurub.

Qodobka ugu horreeya ajandaha uu Cefrin shirka soo hordhigi doono, waxa uu noqon doonaa su’aal la xidhiidha qabsoomidda tartanka Euro 2020 ee xagaaga soo aaddan ku muddaysan, kaas oo dood ay ka geli doonaan xubnaha oo dhan, gaar ahaan xidhiidhada kubadaha cagta ee dalalka Yurub kuwooda awoodda badan.

Marka ay saacaddu tahay 4-ta Galabnimo ee xilliga Geeska Afrika, Ceferin, waxa uu shir doceedyo gooni-gooni ah la yeelan doonaa xidhiidhada dalalka, kuwaas oo ay kala qaadan doonaan fikirkooda ku aaddan xilliga suurtogalka ah ee tartanka dib loogu dhigi karo, kaas oo isbeddel lagu sameeyo waqtigiisii ay suurtogal tahay inuu saamayn ku yeesho tartamada Nations League iyo Club World Cup oo FIFA ay u qorshaysay in la ballaadhiyo.

Tartanka Qaramada Yurub oo ay martigelinayaan 12 magaalo oo ku yaalla qaaradda oo dhan, waxa marka dooddiisu dhamaato loo geli doonaa UEFA Champions League iyo Europa League iyo sida loo dhamaystiri karayo iyadoo xanuunka Coronavirus uu hadda sii faafayo oo aanay muuqanin xilli suurtogal ah oo la bilaabi doono.

Wareegga 16-ka oo siddeed kooxood kusoo kala baxayaan, afar na iska xaadiyeen, ayaa waxa ah dood ay waqti ku qaadan doonaan, laakiin waxa la tuhunsan yahay in wareegga siddeedda kooxaha iskugu soo hadha hal kulan oo kaliya oo albaabadu u xidhan yihiin la go’aamin doono, isla markaana meesha laga saari doono labadii is-arag ee marba garoon la tegayay.

Si kastaba ha ahaatee, wax kasta oo kasoo baxa shirkan, waxaanu idinla socodsiin doonaa isla marka go’aamada ugu horreeya soo baxaan.