Waxaanay Awoodin Ciyaartoyda Waa Weyn Ee Kooxda Los Blancos Ayuu Sameeyey Ciyaartoygan Dada Yar?

Waxaanay Awoodin Ciyaartoyda Waa Weyn Ee Kooxda Los Blancos Ayuu Sameeyey Ciyaartoygan Dada Yar?
Waxaanay Awoodin Ciyaartoyda Waa Weyn Ee Kooxda Los Blancos Ayuu Sameeyey Ciyaartoygan Dada Yar?

Mid ka mid ah ciyaartoyda da’yarta ah ee ka tirsan Real Madrid isla markaana aan wali magac muuqda ku yeelan kubbada cagta iyo kooxda kowaad ayaa sameeyay wax ayna awoodin ciyaartoyda kooxda kowaad ee Los Blancos.

Bruno Iglesias waa da’yarka 16 sano jirka ah ee qaaday talaabo ay awoodi waayeen Sergio Ramos, Toni Kroos, Luka Modric, Karim Benzema iyo dhamaan xidigaha kale ee kooxda kowaad.

Bruno Iglesias ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee magaca kooxda Real Madrid sita ee ku biiray sanduuqa samafalka ee Common Goal oo uu sameeyay xidiga kooxda Manchester United ee Juan Mata kaas oo ay hadda ku jiraan 150 qof oo ciyaartoy iyo tababarayaal iskugu jira.

Juan Mata ayaa abuuray sanduuqa samafalka ah ee Common Goal si qof kasta oo ku soo biiraa uu boqolkiiba 1% ka mid ah mushaarkiisa uu sanduuqan ugu deeqo si dadka baahan loogu caawiyo waxaana dadka hore go’aanka sanduuqan ugu biiray ku jiray dad ay ka mid yihiin Jürgen Klopp, Megan Rapinoe, Matts Hummels, Amanda Sampedro, Giorgio Chiellini iyo Alex Morgan.

Laakiin muu jirin hal shaqsi oo Real Madrid ka tirsan oo ku jira 150 ka qof ee hore iskaga diwaan galiyay in mushaarkooda ay boqolkiiba 1% ka mid ah ugu deeqayaan sanduuqa common Goal laakiin 16 sano jirka Bruno Iglesias ayaa noqday shaqsiga magacii Real Madrid sanduuqan dhex geeyay.

Bruno Iglesias ayaa ka mid noqday dadka badan ee samafalka sanduuqan ku biiray iyada oo hadda lacagtii lagu ururiyay loo adeegsanayo in lagula dagaalamo caabuqa coronavirus oo dad badan baahi u qabaan in laga caawiyo.

Wiilka magaca Real Madrid sare u qaaday ee Bruno Iglesias ayaa dareenkiisa ku cabiray: “Aniga fursad wayn ayay ii tahay in aan ku biiro kooxda dadkan ah ee waa wayn si aan waxayga yar ugu sameeyo inkasta oo ay yar tahay”

“Waa run in ciyaartoyda kubbada cagtu ay sharaf leeyihiin, aanu adeeg haysano, oo aanu heshiisyo kula jirno shirkadaha magaca leh laakiin waxaa waajib nagu ah in aanaan joojin in aanu wax walba uga fikirin lacag ahaan gaar ahaan da’dayda” ayuu Bruno Iglesias hadalkiisa raaciyay.

Bruno Iglesias oo ciyaartoyda kale tallo layaableh u soo jeedinaya ayaa yidhi: “Waxaa waajib inagu ah in aan ka walwalno waxa dhabta muhiimka u ah oo aan dareen la wadaagno cidwalba oo kale. Oo aan u dhaqano sida dadka caadiga ah oo ah waxa aynu nahay”.

Bruno Iglesias waa da’yar khadka dhexe ka ciyaara wuxuuna matalaa kooxda Real Madrid ee Juvenil C iyo kooxda xulka qaranka Spain ee ay da’doodu ka hoosayso 17 sano jirka laakiin garashadiisu waxay ka wayn tahay da’da uu yahay.

Sanduuqa Common Goal ee uu Juan Mata abuuray ayaa farxad wayn ku soo dhaweeyay in da’yarka Bruno Iglesias uu ku soo biiray laakiin waxa uu muujiyay sida uu uga garasho badan yahay ciyaartoyda malaayiinta qaata ee kooxdiisa Real Madrid iyo kooxo badan oo kale oo aan wali ka soo jawaabin baaqa samafalkan.