“Waxaa Jiray Kooxo Fiican Oo England ah Sida Chelsea, Arsenal Iyo Liverpool Balse Man United Ayaa Dareenkayga Qabsan Jirtay” Rivaldo Oo Ka Hadlay Waxyaabo Badan.

“Waxaa Jiray Kooxo Fiican Oo England ah Sida Chelsea, Arsenal Iyo Liverpool Balse Man United Ayaa Dareenkayga Qabsan Jirtay” Rivaldo Oo Ka Hadlay Waxyaabo Badan.
"Waxaa Jiray Kooxo Fiican Oo England ah Sida Chelsea, Arsenal Iyo Liverpool Balse Man United Ayaa Dareenkayga Qabsan Jirtay" Rivaldo Oo Ka Hadlay Waxyaabo Badan.

Halyayga reer Brazil ee Rivaldo ayaa ka soo ciyaaray 14 kooxood oo kala duwan intii uu ku jiray waayihiisii ciyaareed ee cajiibka ahaa laakiin waxa uu magacaabay kooxdii uu biiri lahaa haddii uu horyaalka Premier league u wareegi lahaa.

Rivaldo oo Barcelona kula soo guulaystay laba horyaal oo La Liga ah iyo koobab kale oo uu ku jiro UEFA Super Cup ayaa soo bandhigay kooxda uu jeclaa in uu ka ciyaaro haddii ay dhaci lahayd in uu Premier league ka ciyaaro.

Rivaldo ayaa sheegay in Manchester United ay ahayd kooxda uu ka ciyaari lahaa haddii uu ku biiri lahaa kubbada cagta England.

Waxa uu  Rivaldo kooxda Barcelona ka baxay sanadkii 2002 kii kadib markii uu Camp Nou u soo dhaliyay 35 gool kadib markii uu ciyaaray 74 kulan waxaana waqtigaas lala xidhiidhinayay kooxaha Premier league inkasta oo ayna suurtogal noqon.

Rivaldo oo ka hadlaya wararkii la xidhiidhin jiray Premier League ayaa yidhi: “Waqtigaas waxaa jiray wararka xanta suuqa oo ku saabsanaa suurtogalnimada aan ugu biirayo Manchester United, markaas ayay si cajiib ah ugu guulaysteen Champions League ee kulankii Bayern Munich”.

“Habeenkaas waxaan joogay taaraboonka Camp Nou waxaanan ka fikiray haddii aan maalin uun tagayo Premier League, kooxda doorashadaydu waxay noqon lahayd United” ayuu Rivaldo hadalkiisa raaciyay.

Rivaldo oo ka hadlaya in kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Liverpool ay kooxo fiican ahaayeen ayaa yidhi: “Dabcan waxaa jiray kooxo fiican oo England ah sida Arsenal, Chelsea ama Liverpool, laakiin United ayaa markastaba dareenkayga qabsan jirtay ee wax walba oo ay gaadheen, iyo qaabka ay maalmahaasi u ciyaarayeen”.

“Sir Alex Ferguson waxa uu markastaba iga sheegi jiray waxyaabo fiican ee markii aanu iska hor nimid, sidaa daraadeed jacayl khaas ah ayaan kooxda u hayay isla markaana doorashadayda ayay ahaan lahayd haddii la ii ogolaan lahaa in aan doorto koox premier League ah”.

Rivaldo ayaa dib u xusuustay kulamadii Champions League ee uu Man United kaga hor yimid kooxdiisii hore ee Barcelona wuxuuna yidhi: “Waxaan xusuustaa in aan iyaga kaga hor imid Champions League, khaas ahaan laba kulan oo waa wayn kuwaas oo ku dhamaaday natiijo isku mid ahayd oo 3-3 ah. Mid Old Trafford ahayd iyo mida kale oo Camp Nou ahayd tartankii 1998/99”.