Wax Kastoo Ku Saabsan Sheekada Number 7 Ee Philippe Coutinho Iyo Antoine Griezmann Halkan Ka Akhriso?

Wax Kastoo Ku Saabsan Sheekada Number 7 Ee Philippe Coutinho Iyo Antoine Griezmann Halkan Ka Akhriso?
Wax Kastoo Ku Saabsan Sheekada Number 7 Ee Philippe Coutinho Iyo Antoine Griezmann Halkan Ka Akhriso?

Kooxda Barcelona ayaa u gacan galisay Philippe Coutinho ka hor xilli ciyaareedka cusub ka dib markii ay maaliyadiisa No.7 u dhiibeen Antoine Griezmann, taasi oo qalqal gelisay rajadiisa ah in la siiyo door weyn.

Philippe Coutinho ayaa dib ugu soo laabtay Barcelona isagoo umuuqda inuu rajo weyn ka qabo inuu qeyb ka ciyaaro.

Laakiin waxa uu ka helay hubin dhab ah oo adag kooxda ka hor xilli ciyaareedka cusub ka dib markii la siiyay maaliyaddiisa No.7.

Kubadsameeyaha reer Brazil ayaa gacanta loo galiyay funaanada caanka ah labo xilli ciyaareed ka hor markii Arda Turan uu ka tagay kooxda isagoo markii hore xirtay No.14 markii uu dhameystiray heshiiskiisa Liverpool.

Markii uu amaahda uga tagay Bayern Munich xagaagii hore, lambarka wuxuu ahaa mid madhan ololihii oo dhan iyadoo sharciyada LaLiga ay ka hor istaagayaan in qof kale la siiyo.

Laakiin, inkasta oo uu Coutinho ku soo laabtay kooxda, lambarka waxaa la siiyay Antoine Griezmann sida ay Barcelona ku xaqiijisay warkan iyada oo ay la socdaan xiddigga kubbadda koleyga ee Kevin Durant.

Xiddiga reer France ayaa qaatay maaliyada No.17 markii uu ku sii jeeday garoonka Nou Camp kana soo dhaqaaqay kooxda Atletico Madrid iyada oo uu Coutinho horayba u haystay No.7.

Griezmann ayaa haatan dib ula soo noqday lambarkii uu u soo xirtay Real Sociedad, Atletico Madrid iyo France iyada oo lambarka cusub ee Coutinho aan wali la xaqiijin.

Warku wuxuu umuuqdaa inuu cadeyn buuxda u yahay istaagida Coutinho ee kooxda, inkasta oo uu rajeynayo inuu door ka helo macalinka cusub ee Koeman.

Waxaa la sheegay inuu heli doono fursad uu isku muujiyo waxaana la geyn karaa booska qadka dhexe ee hoostaga tababaraha reer Holland.

Laakiin way iska cadahay inuu wali wajahayo hawl culus oo ah inuu wax uun badbaadiyo mustaqbalkiisa ciyaareed ee Nou Camp maadaama uu weli u furan yahay soo laabashada Premier League.

Wakiilka Kia Joorabchian wuxuu cadeeyay mustaqbalkiisa bishaan wuxuuna rajaynayaa in macmiilkiisu sii joogo Spain.

Wakiilka ciyaaryahanka Kia Joorabchian ayaa talkSPORT u Sheegay hadii uu filayo Coutinho inuu sii joogo Nou Camp, wakiilka ciyaaryahanka ayaa yiri: “Haa jeclaan lahaa inuu soo laabto”

“Waxay ahayd inuu soo laabto Sebtember 7 laakiin dhab ahaantii wuxuu soo laabtay bilowgii Sebtember sababtoo ah ma uusan dooneynin inuu lumiyo xawaarehiisa iyo taam ahaanshihiisa, wuxuuna tababar la qaadanayay Barcelona.

Dhamaan calaamadaha ayaa tilmaamaya xaqiiqda ah in Barcelona ay si aad ah isku badashay, qaabkii ay u aheyd falsafada ay ku dooneysay inay horay ugu socoto sanadkii hore iyo ciyaartoyda ay keensadeen, sida Coutinho, [Ousmane] Dembele iyo [Antoine] Griezmann dhamaantood waxa ay qeyb ka noqonayaan kooxda sanadkan”