Home BundesLiga

Warka Ka Soo Baxay Kooxda Borussia Dortmund Ma Yahay Mid Farxad Galinaya Jadon Sancho Oo Tartan Loogu Jiro?

Warka Ka Soo Baxay Kooxda Borussia Dortmund Ma Yahay Mid Farxad Galinaya Jadon Sancho Oo Tartan Loogu Jiro?
Warka Ka Soo Baxay Kooxda Borussia Dortmund Ma Yahay Mid Farxad Galinaya Jadon Sancho Oo Tartan Loogu Jiro?

Kooxaha Premier League ee xiisaynaya xiddiga da’da yar ee Jadon Sancho ayaa helay war aanay ku farxin oo kasoo yeedhay kooxda Borussia Dortmund ee uu ka tirsan yahay laacibkan.

Tiro kooxo ah oo ay ka mid yihiin Manchester United, Chelsea iyo Liverpool ayaa candhuuftooda dib u liqay markii ay ogaadeen in Borussia Dortmund ay maagan tahay qorshe ay kusii haysanayso laacibkan oo ay ka saxeexayso qandaraas cusub.

Borussia Dortmund oo si fudud u weyday weeraryahannada Robert Lewandowski iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo ay qaab fudud uga qaateen Bayern Munich iyo Arsenal markii ay dhowaadeen heshiisyadooda ee ay 12 bilood oo kali ah ka hadhsanaayeen, ayaa waxay qaadaysaa tallaabo ay kaga hor tegayso in sidii oo kale ku dhacdo, waxaanay heshiis cusub oo kordhinaya mushaharka iyo waqtigaba hor dhigtay Jadon Sancho.

Manchester United ayaa hoggaaminaysay loollanka loogu jiro 20 jirkan oo la filayo inuu dib ugu soo laabto waddankiisa inta aan la gaadhin Koobka Adduunka ee 2022, hase yeeshee qorshaha cusub ee ay kooxda reer Germany qaadday ayaa hos istaagi karaysay in United ay waqtigan heli karto weeraryahankan.

Chelsea iyo Liverpool ayaa iyagana la sheegay inay xagaagan ka fiirsanayeen inay dalabyo ka gudbiyaan, inkasta oo la sheegayo in Blues aanu da’yarkani doonayn inuu ku biiro, halka Reds ay ka door bidayso laacibiin kale oo weerarka ah.

Si kastaba laacibkan ayaa xili ciyaareedkan dhaliyey 17 gool, sidoo kalena caawiyey 19 kale oo ay asxaabtiisu dhaliyeen, waana sababta ay kooxaha Premier League ugu kala dheeraynayaan saxeexiisa.