Wariyaasha Tabin Doona Kulamada Maanta Iyo Beri Oo Telefishanka beIN Sports Shaaciyey?

Wariyaasha Tabin Doona Kulamada Maanta Iyo Beri Oo Telefishanka beIN Sports Shaaciyey?
Wariyaasha Tabin Doona Kulamada Maanta Iyo Beri Oo Telefishanka beIN Sports Shaaciyey?

Telefishanka beIN Sports ayaa shaaciyey liiska wariyeyaasha  ku qoran baahinta toddobaadkan ee sida tooska ah ay daawadeyaashu ugu maqli doonaan codkooda ciyaaraha horyaallada kala duwan ee qaaradda Yurub.

Horyaalka Premier League ayaa kulan xaasaasi ah oo saamayn ku yeelan doona kaalinta afraad ee horyaalka, waxa ku ballansan Chelsea iyo Tottenham, kuwaas oo midkooda fadhiya uu xaqiijisan doono in booskaas uu si buuxda ugu fadhiisto, waxaana fursadda fiican leh Blues oo shan dhibcood ka sare mari doonta Spurs haddii ay guusha hesho.

Chelsea oo si lama filaan ah hoos ugu soo dhacaysay toddobaadyadii u dambeeyey, waxa Isniintii ku istaagtay Manchester United, laakiin kulanka maanta ayay u baahan yihiin inay dib uga soo doogaan khasaaraha soo gaadhay, iyagoo ka faa’iidaysanaya hoygooda Stamford Bridge ee lagu ciyaarayo.

Manchester City oo uu ku dhacay ganaax, Arbacadiina heshay guul ay ciyaartoygeedu ku muujiyeen inay naadigooda garab taagan yihiin, ayaa waxay maanta marti u noqonaysaa Leicester City oo ay labaad iyo saddexaad ku kala jiraan, haddii ay City guul heli weydana waxay mar kale fursad siin doonaan Liverpool oo Isniinta dheeli doonta.

Dhinaca kale, horyaalka waddanka Spain, waxa maanta iyo caawa dheeli doona labada kooxood ee waaweyn ee Barcelona iyo Real Madrid oo la kala ballansan Eibar iyo Levante, waxaanay marka ay kulamadan ka fara xashaan Salaasada iyo Arbacada soo socda dheeli doonaan tartanka Champions League ka hor inta aanay Axadda usbuuca dambe isugu tegin Santiago Beranbeu oo El Clasico ay isku haleeli doonaan.

Serie A, Ligue 1 iyo Bundesliga ayaa iyagana kooxaha waaweyn ay qaarkoodna maanta ciyaarayaan, uwo kalena ay xalayba dheeleen maadaama ay isku diyaarinayaan kulamada Champions League.

Haddaba, telefishanka beIN Sports ayaa waxa uu soo saaray jadwalka wariyeyaashiisa diyaarka u ah tibinta ciyaaraha Maanta oo Sabti ah iyo Axadda berri, kuwaas oo qaybta carabiga ku baahin doona.

Wariyaasha Tabin Doona Maalinta Oo Sabti ah.

Chelsea vs Tottenham – Xafiid Daraji

Wolfsburg vs Borussia Dortmund – Axmed Cabdi

Borussia Monchengladbach vs Hoffenheim – Maxamed Fawsi

Southampton vs Aston Villa – Khalif Xaddi

Barcelona vs Eibar – Xasan Caydaruus

Leicester City vs Manchester City – Cali Maxamed Cali

Schalke 04 vs RB Leipzing – Jawad Badat

Real Sociedad vs Valencia – Khalid Qawl

Fiorentina vs AC Milan – Khalil Balushi

Levante vs Real Madrid – Yuusuf Sayf

Wariyaasha Tabin Doona Maalinta Axadda Ee Berito.

Genoa vs Lazio – Khalid Xaddi

Manchester United vs Watford – Yuusuf Sayf

Arsenal vs Everton – Xafiid Daraji

AS Roma vs Lecce – Caamir Khudrawi

Inter Milan vs Sassoulo – Cali Maxamed Cali

PSG vs Bordeaux – Jawad Badat

Atletico Madrid vs Villarreal – Khaliil Balushi

Fiiro Gaar ah: Wariyeyaasha Cusaam Shuwaali iyo Rauf Khalif oo ay Soomaalida iyo dalalka Khaliijkaba codkooda aad looga xiiseeyo, waxay fasax ka yihiin kulamada horyaallada, laakiin waxay tabin doonaan ciyaaraha Champions League ee Salaasada iyo Arbacada, kuwaas oo aanu idinla wadaagi doono sida uu telefishanka beIN Sports ugu qorsheeyo wariyeyaashiisa.