Wargeyska France Football Mar Kale War Ka Soo Saaray Sadio Mane u Ciyaara Kooxda Liverpool?

Wargeyska France Football Mar Kale War Ka Soo Saaray Sadio Mane u Ciyaara Kooxda Liverpool?
Wargeyska France Football Mar Kale War Ka Soo Saaray Sadio Mane u Ciyaara Kooxda Liverpool?

Wargeyska caanka ka ah dalka France iyo guud ahaan qaarada Yurub ee France Football ayaa markale war kasoo saaray mustaqbalka madaalaha kooxda Liverpool ee Sadio Mane iyo waliba kooxda kaliya ee uu doonayo inuu u wareego dhawaan.

Laba sano kahor ayay ahayd markii France Football oo ahaa wargeyskii ugu horreeyay ee warkan qarxiyay uu sheegay in Mane uu doonayo ku biirista Real Madrid, go’aankii hore ee Mane ayaysan waxba iska bedelin sida uu wargeysku sheegayo waxaana uu kaliya wali doonayaa Real.

Bogga hore ee wargeyskan aadka loo xurmeeyo ee ree France ayaa warkiisa oo dhan kusoo koobay cinwaanka Mane uu ka sameeyay ee ahaa “ka Sadio Mane ahaan, waa Real Madrid ama baabah”

Warkan xanta ah ayaa bilaabmay suuqii xagaaga ee 2018, sida markaas la sheegayay Mane ayaa noqonayay saxeexa koowaad ee Zidane balse ma uusan noqon sanadkaas iyo midkii xigay ee 2019 labadaba.

Xaalada ayaa markan noqon karta mid sidii hore iska badasha maadaama oo la aaminsan yahay in Mane aysan arrimuhu ugu soconin sidii ugu wanaagsanaa.

Hoggaanka ree Senegal ayaa ugu horreynba la sheegayaa in sababaha uu uga tagi karo Liverpool ay kamid tahay inuu dareemayo inaysan si fiican u qiimayn kooxdiisa, Sadio ayaa filayay inuu ku guuleysto Ballon d’Or sanadkan balse waxa uu ku dhammaystay booska afraad waxaana uu ka dambeeyay Messi, Van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

Sidoo kale sabab uu Mane uga hayaami karo Anfield ayaa lagu sheegay maadaama oo tababaraha kooxda ee Jurgen Klopp uusan ku ciyaarsiinin dhammaan awoodihiisa oo dhan iyo hanaanka ciyaareed ee uu Mane kusoo dhalaali lahaa.