Wargeyska Forbes Ayaa Wax Ka Qoray Ciyaartoyda Ugu Badan Ee Sanadkii Soo Xareeya Lacagta Ugu Badan Hadaba Halkee Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Kaga Jiraan?

Wargeyska Forbes Ayaa Wax Ka Qoray Ciyaartoyda Ugu Badan Ee Sanadkii Soo Xareeya Lacagta Ugu Badan Hadaba Halkee Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Kaga Jiraan?
Wargeyska Forbes Ayaa Wax Ka Qoray Ciyaartoyda Ugu Badan Ee Sanadkii Soo Xareeya Lacagta Ugu Badan Hadaba Halkee Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Kaga Jiraan?

Halyeyga kubbadda Teniska ee Roger Federer ayaa kaalinta koowaad kala baxay Ronaldo iyo Messi liiska laacibiinta lacagta ugu badan ka helay kubadda cagta sannadkan.

Wargeyska Forbes ayaa soo bandhigtay labaatankii ciyaartoy ee lacagta ugu badan ka xoogsaday kubadda cagta, waxaana lacagihii ugu badnaa ay soo galeen Roger Federer oo ka sare maray dhamaan xiddigihii dunida ee la filayay inay koowaad galaan.

Xiddiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta labaad soo galay oo kusoo xiga halyeyga reer Switzerland, waxaana saddexaad u degay Kabtanka Argentine iyo Barcelona ee Lionel Messi.

Ronaldo iyo Messi ayaa dhaqaalihii soo geli lahaa uu dhaawac culus gaadhsiiyey caabuqa Korona, waxaana hoos loo hdigay mushaharooyinkii ay ka qaadanayeen kooxahooda, taas oo keentay in boqolkiiba sagaal uu dakhligoodu ka hoos maro intii ay sannadkii 2019 heleen.

Qiimaynta dakhliga oo uu wargeyska Forbes sameeyo 12kii biloodba hal mar, waxay muujinaysaa in Ronaldo iyo Messi oo kooxahoodu ay hoos u dhigeen mushaharooyinkooda ay haddana aad uga sarreeyaan ciyaartoyda kale ee caalamka marka laga reebo Rodgers oo ah 38 jir kaalinta afraad u degay qiimaynta xiddigaha ugu fiican kubadda Tenniska, waxaana sannadkan uu dakhligiisu noqonayaa $159.2 milyan.

Cristiano Ronaldo oo ku soo xiga ayuu wargeysku sheegay in dakhligiisa sannadkan uu yahay $157.37 milyan, taas oo ka dhigan inuu ka hooseeyo Federer wax ka yar 2 milyan oo Dollar.

Laacibka reer Portugal oo sannadkan horraantiisii noqday ciyaartoygii saddexaad ee dunida hantidiisu gaadho 1 bilyan oo dollar, ayaa waxa ku xiga Messi oo isagana ay sannadkan dakhligiisu noqonayo $155.52 milyan, halka xiddiga reer Brazil ee Neymar oo afraad ku jirana aanu wax sidaas usii badan ka hoosaynin xiddigahan oo dhaqaalaha soo gelaya sannadku uu yahay $142.56  milyan dollar.

Halkan Kaga Bogo Xogta Ciyaartoyda Sanadkiiba Soo Xareeya Lacagta Ugu Badan?

1. Roger Federer (Tennis) – $106.3m

2. Cristiano Ronaldo (Football) – $105m

3. Lionel Messi (Football) – $104m

4. Neymar (Football) – $95.5m

5. LeBron James (Basketball) – $88.2m

6. Stephen Curry (Basketball) – $74.4m

7. Kevin Durant (Basketball) – $63.9m

8. Tiger Woods (Golf) – $62.3m

9. Kirk Cousins (American football) – $60.5m

10. Carson Wentz (American football) – $59.1m

11. Tyson Fury (Boxing) – $57m

11. Russell Westbrook (Basketball) – $57m

13. Lewis Hamilton (Racing driver) – $54m

14. Rory McIlroy (Golf) – $52m

15. Jared Goff (American football) – $49m

16. Conor McGregor (MMA) – $48m

17. James Harden (Basketball) – $47.8m

18. Giannis Antetokounmpo (Basketball) – $47.6m

19. Anthony Joshua (Boxing) – $47m

20. Deontay Wilder (Boxing) – $46.5m