Home BundesLiga

Wargeyska Daily Sport Ayaa Qoray Sheekada Xiisaha Leh Ee Philippe Coutinho Iyo Kooxda Uuba Sii Bilaabay Inuu Ku Biiro?

Wargeyska Daily Sport Ayaa Qoray Sheekada Xiisaha Leh Ee Philippe Coutinho Iyo Kooxda Uuba Sii Bilaabay Inuu Ku Biiro?
Wargeyska Daily Sport Ayaa Qoray Sheekada Xiisaha Leh Ee Philippe Coutinho Iyo Kooxda Uuba Sii Bilaabay Inuu Ku Biiro?

Philippe Coutinho oo haatan jooga Bayern Munich laakiin amaah kaga maqan Barcelona ayaa ka mid ah xiddigaha magacooda ugu hadal haynta badan yahay ka hor bilaabashada suuqa xagaaga gaar ahaan mudada kubadda cagtu hakadka gashay.

Xilli ciyaareedkii hore ayay ahayd markii ay Barca qaab amaah ah ugu dirtay Coutinho dhinaca Bayern iyagoo xilligaas heshiiska ku daray qoddob ah in ay kooxda ree Germany 120 Milyan oo euro bixin doonto haddiiba ay saxeexiisa rasmi u rabto.

Sida haatan la aaminsan yahay Coutinho ayaan helin kalsoonida Munich oo aan doonayn inay heshiis rasmi ah ka saxeexato isla markaana qorshaheedu yahay inay dib ugu celiso Camp Nou.

Horyaalka Premier League ayaa lagu sheegay midka uu doonayo inuu markale ka ciyaaro 29 sano jirkani waxaana kamid ah kooxaha xiisaha u qaba Manchester United, Chelsea iyo Arsenal.

Sida uu hadda sheegayo wargeyska Daily Sport, Coutinho ayaa qorshihiisa hordhaca ah ka dhigtay inuu ku biiro kooxda Chelsea ee uu hoggaaminayo tababare Frank Lampard.

Man United ayaa loo arkaa kooxda fursada ugu yar haysata maadaama oo uu Philippe ixtiraamayo kooxdiisii Liverpool oo ay cadaw ba’an isku yihiin Red Devils waxaana uu taas bedelkeeda doonayaa u dhaqaaqista magaalada London.