Wargeyska Daily Mirror Muxuu Ka Qoray Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Kooxda Man City?

Wargeyska Daily Mirror Muxuu Ka Qoray Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Kooxda Man City?
Wargeyska Daily Mirror Muxuu Ka Qoray Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Kooxda Man City?

Sida ay sheegayaan warar soo baxaya Arsenal ayaa hormuud ka ah kooxaha doonaya in Manchester City aan loo ogolaanin inay ciyaarto Champions League xilli ciyaareedka danbe haddii racfaankooda aan la dhageysanin.

Sida ay sheegtay jariirada Daily Mirror, Manchester City ayaa aaminsan in Arsenal ay hormuud u tahay sideeda kooxood ee Premier League ee warqada u qoray maxkamada sarre ee isboortiga (CAS) iyagoo dalbaday inaan Man City laga aqbalin inay sii ciyaarto Champions League inta laga dhageysanayo racfaankooda.

Waxaa la sheegayaa in Arsenal ay isku soo uruurisay kooxaha kale ee Premier League iyagoo cadaadis toos ah ku saaraya maxkamada isboortiga inaysan ogolaanin in City ay ka qeyb gasho Champions League iyadoo aan ku guuleysanin racfaankeeda.

Gunners ayaa saxiixyo ka heshay kooxda hogaamineysa horyaalka ee Liverpool, kooxda ay City xafiiltamaan ee Manchester United iyo kooxaha kale ee rajada ka qaba Champions League ee Chelsea, Leicester City iyo Wolves.

Raheem Sterling with the FA Cup

Arsenal ayaan weli ka hadlin haddii ay iyagu hormuud ka yihiin talaabadaan ka dhanka ah Manchester City, iyadoo jariirada Daily Mirror ay sheegtay in Arsenal ay beenin doonto haddii si toos ah arintaan wax looga weydiiyo.

Manchester City ayaa ku jirta xaalad adag, kaliyana waqtiga ayaa sheegi doona sida lagu xalin doono ganaaxa ka saaray tartamada Yurub iyo dagaalka ay iclaamisay kooxda Arsenal.

Waxaa xusid mudan in Arsenal uu tababare u yahay Mikel Arteta oo sannadihii ugu danbeeyay caawiye tababare ka ahaa kooxda Manchester City.