Wararkii Ugu Danbeeyey Xabsi Ku Jirka Ronaldinho Xili Uu Ciyaartoy Aduunka Caan Ka Ahi Ka Murugooday Arinkaasi Waa Kuma?

Wararkii Ugu Danbeeyey Xabsi Ku Jirka Ronaldinho Xili Uu Ciyaartoy Aduunka Caan Ka Ahi Ka Murugooday Arinkaasi Waa Kuma?
Wararkii Ugu Danbeeyey Xabsi Ku Jirka Ronaldinho Xili Uu Ciyaartoy Aduunka Caan Ka Ahi Ka Murugooday Arinkaasi Waa Kuma?

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Ronaldinho ayaa wali ku jira xabsi ku yaala dalka Paraguay kaddib markii lagu qabtay isaga oo ku safraya dal-ku-gal been abuur ah isaga iyo walaalkii.

Sida ay sheegayaan warbaahinta kala duwan ee caalamku, Xaaladan ayaa ah mid murugo gelisay jamaahiirta kala duwan ee kubadda cagta si lamid ah Lionel Messi oo uu Ronaldinho soo gacan qabtay wakhtigiisii Barcelona.

Wargeyska Sport ayaa sheegay in Messi uu ka cadhaysan yahay wararka been abuurka ah ee lagu xusayo inuu isagu bixinayo afar milyan si uu uga soo daayo xabsiga 39 sano jirka reer Brazil iyadoo ay sidoo kale shaqsiyaadka ku dhaw dhaw Leo been abuur ku sheegeen arrintaasi.

Sport oo kasoo baxa magaalada Barcelona ayaa lagu daabacay “Messi aad ayuu uga murugaysan yahay xaalada shaqsi ahaaneed ee Ronaldinho, Laakiin marna muu samayn dhaq-dhaqaaq dhaqaale ama garsoor ah si uu ciyaartoygii hore ee ree Brazil uga soo saaro xabsiga”.

“Isagu muu shaqo galinin garyaqaanadiisa (Abuukaatayaashiisa) si ay uga shaqeeyaan kiiska mana bixinayo afarta Milyan ee euro ee damaanada ah”.

Wargeyska Libero oo kasoo baxa dalka Peru ayaa dhawaan sheegay in Messi uu jeebkiisa ka bixin doono afarta Milyan ee euro si uu Ronaldinho usoo furto sababtoo ah xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeyay.