Home LA LIGA

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Xadhigii Shalay Loo Gaystay Ronaldinho Gaucho Iyo Walaalkii Roberto?

Wararkii Ugu Danbeeyey Xabsi Ku Jirka Ronaldinho Xili Uu Ciyaartoy Aduunka Caan Ka Ahi Rabo In La Soo Daayo Waa Kuma?
Wararkii Ugu Danbeeyey Xabsi Ku Jirka Ronaldinho Xili Uu Ciyaartoy Aduunka Caan Ka Ahi Rabo In La Soo Daayo Waa Kuma?

Xiddiga reer Brazil ee Ronaldinho Gaucho ayaa Khamiistii shalay lagu xidhay magaalada Asuncion ee caasimadda u ah waddanka Paraguay, waxaana wehelinayey walaalkii Roberto oo isagana xabsiga loo taxaabay.

Ronaldinho iyo walaalkiiba waxay ku eedaysan yihiin inay dalkaas ku galeen baasabooro been abuur ah.

Xeer ilaaliyaha Paraguay oo lagu magacaabo Federico Delfino ayaa warbaahinta u sheegay in waraaqaha socdaalka ee Ronaldinho iyo walaalkii la bixiyey intii u dhaxaysay December iyo January ee sannadkan, lambarrada baasaboorada ay isku mid ka yihiin dad kale oo aan la magacaabay.

Image result for Ronaldinho Gaucho and Roberto

Sida aanu  idiinku soo gudbinay warkii shalay, Ronaldinho iyo walaalkii waxa lala xidhay hal qof oo kale, laakiin wararka hadda la helayo ayaa waxay sheegayaan in imaatinka laacibka reer Brazil iyo walaalkii oo ku lug lahaa munaasibado uu ka qayb-geli lahaa, ay faraqa la gelayso fadeexad kale oo tumasho ah.

Image result for Ronaldinho Gaucho and Roberto

Warku waxa uu sheegay in ciidanku ay soo qabteen laba dumar ah oo ahaa kuwii iska lahaa baasaboorrada asalka ah ee magacyada iyo sawirrada laga beddelay si ay ugu soo dhaafaan garoonka diyaaradaha ee Silvio Pettirossi International Airport maalintii Arbacadii oo ay dalkaas soo galeen.

Labadan dumarka ah oo lagu kala magacaabo Maria Isabel Goyoso iyo Esperanza Apolia Caballero, ayaa hadda xidhan, waxaana baadhitaan ku samaynaya booliska dalkaas.

Laakiin macluumaadka la hayo ayaa waxay intaa ku darayaan in Ronaldinho iyo walaalkii ay tumasho iyo tamashlayn kula jireen labadan dumarka ah.

Image result for Ronaldinho Gaucho and Roberto

Delfino waxa uu sheegay in laacibka hore ee Barcelona uu waajihi doono dembi ah in uu ku safray dhukumentiyo been abuur ah oo uu magaciisa saxda ah ee Ronaldo de Assis Moreira (Ronaldinho) iyo magaca walaalkii Roberto de Assis Moreira, sidoo kalena ay sawirradoodu ku yaallaan.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldinho oo Brazil u qaaday koobkii adduunka ee 2002, ayaa lasii daayey isla shalayba kaddib siddeed saacadood oo su’aalo la weydiinayey, taas oo ku timid inuu ogolaaday inuu galay dembiga loo haystay, waxaana loo ogolaaday inuu ka qayb-galo barnaamij qaadhaan loogu ururinayo caruurta xanuunsanaysa.