Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga?

Sidii aad nooga barateen waxa aanu idinla wadaagi doonaa wararkii ugu muhiimsanaa ee laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda laga qoray maanta oo Jimce ah.

Manchester City ayaa wadahadal la bilowday Barcelona oo ku aadan saxiixa daafaca midig ee Portugal 26 sanno jirka Nelson Semedo. Heshiiska waxaa qeyb ka noqonaya daafaca kale ee midig ee reer Portugal Joao Cancelo oo 25 sanno jir ah kaasoo u wareegaya Camp Nou. (Sport)

Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil Fernandinho oo 34 sanno jir ah ayaa doonaya inuu heshiis cusub u saxiixo Manchester City. (Sky Sports)

Xiddiga kooxda Bournemouth iyo Scotland Ryan Fraser ayaa doonaya inuu ku biiro Tottenham marka qandaraaskiisa uu dhaco xagaagan. (Football Insider)

Madaxa kubada cagta Arsenal Raul Sanllehi ayaa u sheegay shaqaalaha kooxda in kooxda aysan muhiimsan siin doonin suuqa kala iibsiga xagaagan. (Evening Standard)

Bayern Munich ayaa kaliya diyaar u ah inay bixiso 60 milyan ginni si ay u la wareegaan xiddiga garabka ka ciyaara ee Manchester City Leroy Sane oo 24 sanno jir ah. (Sky Sports)

Barcelona kuma iibin doonto Philippe Coutinho lacag ka yar 100 milyan euro. Chelsea ayaa lala xiriiriyay 27 jirkaan. (Mundo Deportivo)

Inter Milan ayaa heshiis joogta ah u bedeleysa heshiiska amaahda ee Victor Moses laakiin waxay doonayaan in Chelsea ay hoos u dhigto lacagta 12ka milyan euro ee ay dul saartay 29 jirka reer Nigeria. (Calciomercato)

Manchester United ayaa diidi doonta dalab kasta oo laga soo gudbiyo goolhayaha Ingariiska Dean Henderson inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga. 23 jirkaan ayaa haatan amaah ku jooga Sheffield United. (ESPN)

Manchester United ayaa ugu cadcad inay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee Aston Villa Jack Grealish oo 24 sanno jir ah iyagoo ka doorbidaya xiddiga kooxda Leicester City James Maddison oo 23 sanno jir ah. (Manchester Evening News)

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku biiray tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Borussia Dortmund Jadon Sancho. Manchester United ayaa sidoo kale dooneysa 20 jirkaan. (Bild)

Arsenal ayaa tartan kala kulmeysa AC Milan oo ku aadan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Real Betis Nabil Fekir. (Marca)