Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Maxaa Cusub?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Maxaa Cusub?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Maxaa Cusub?

Inkasta oo uu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoygu oo la filayo in horraanta bisha June uu furmo, haddana kooxaha waaweyn ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii ay ciyaartoyga ay doonayaan uga sii dhaadhiciyaan inay heshiisyadooda ogolaadaan, waxaanay qaarkood haddaba lasii gelayaan qandaraasyo hor dhac ah.

Warbaahinta adduunka ayaa waxay si taxani ah usoo bandhigaan xogtii ugu dambaysay ee suuqa iyo dhaqdhaqaaqyada ay kooxuhu samaynayaan, kuwaas oo isugu jira warar xan ah iyo kuwo run ah oo raadkoodu muuqdo.

Manchester United waxay ku kalsoon tahay inay heshiis la gali doonto laacibka reer Spain ee khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid ee Saul Niguez oo 25 jir ah, qiimihiisana lagu sheegay £135 milyan (Daily Star)

Real Madrid waxay xiisaynaysaa inay heshiis la gaadho weeraryahanka Arsenal iyo xulka qaranka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo 30 jir ah, laakiin kaliya waa haddii ay ku guuldarraystaan inay lasoo saxeexdaan Erlind Braut Haaland oo ah 19 jir u ciyaara Borussia Dortmund iyo xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane oo ah 27 jir ka tirsan Liveprool (Express)

Real waxa kale oo ay doonaysaa 21 jirka khadka dhexe ee reer Brazil ee Igor Gomes, oo kooxdiisa PSG ay ku qiimaysay £45 milyan (AS)

Laacibka khadka dhexe ee Henrikh Mkhitaryan oo Arsenal ay amaah ku siisay Roma ayaa rajaynaya in xagaagan uu heshiis rasmi ah ugu biiri doono kooxda uu hadda deynta ku yahay. Arsenal ayaa doonaysa in £18 milyan laga siisto 31 jirkan reer Armenia, laakiin kooxda Talyaaniga ayaa kaliya ogol inay bixiso £10 milyan (Mail)

Garabka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo 20 jir ayaa si aan rasmi ahayn u xaqiijiyey inuu ku biiri doono Manchester United, iyadoo la filayo in laacibkan Ingiriiska ah uu £116 Milyan ugu wareego Old Trafford (Irish Independent)

Halayeyga Barcelona iyo Spain ee Xavi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu tababare u noqdo Barcelona, laakiin waxa uu ku xidhay shuruud ah in marka hore laga nadiifiyo sunta taalla qolka lebbiska (La Vanguardia)