Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub.

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub.
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysa Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub.

Kooxda halyeey David Beckham ee Inter Miami ayaa xihiidh la samaysay wakiilada weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero iyo khadka dhexe ee kooxdaas ee David Silva oo isagu xagaaga ka dhaqaajinaya Etihad Stadium. (Sun)


Weeraryahanka Barcelona lala xidhiidhinayay ee Aubameyang ayaa haddiiba uu ka tago Arsenal kahor dhammaadka heshiiskiisa ee 2021 waayi doona lacag 15.5 Milyan ah oo daacadnimo ahaan loogu abaalmarin lahaa. (Star)


Aston Villa khadkeeda dhexe ee Jack Gralish oo ay kooxo dhawr ahi doonayeen ayaa u sheegay kooxdiisa inuusan bishan January ka tagayn oo uu diirada saarayo sidii uu uga caawin lahaa inay kusii negaadaan Premier League. (Mirror)


Manchester United ayaa 30 Milyan u gudbisay kooxa Birminghah iyaga oo ka doonaya 16 sano jirka khadka dhexe ee Jude Bellingham. (Sun)


Manchester United ayaa dhammaadka toddobaadkan 55 Milyan kula soo wareegi karta khadka dhexe ee Buno Fernandes kaddib horumar laga sameeyay wada xaajoodkii ay kula jireen Sporting Lisbon. (Mirror)


Fernandes ayaa xalay diiday jamaahiirta kooxdiisa Sproting isaga oo sidoo kale riixay kaamerad TV kaddib markii ay guuldarro kala kulmeen Braga. (Star)


Tottenham ayaa dalab 20 Milyan ah ka gudbisay khadka dhexe ee kooxda Lille ee Soumare iyaga oo tartankiisa kula soo biiray kooxaha Manchester United iyo Chelsea. (L’Equipe, via Sun)


Real Madrid daafaceeda midig ee Alvaro Odriozola ayaagaadhay dalka Germany si uu u dhammaystiro heshiiska uu inta xilli ciyaareedka ka hadhay qaabka amaahda ah ugula joogayo Bayern Munich. (AS – in Spanish)


Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa si cad u sheegay in kooxdiisu ay doonayso weeraryahan ay ku bedesho xiddiga ka dhaawacan ee Luis Suarez. (Sport)


Barca ayaa weeraryahanka Valencia ee Rodrigo Moreno u aragta xiddig ay suurogal tahay inay bar-tilmaameedsadaan laakiin kooxdiisa ayaa doonaysa lacag 60 Milyan ah haddiiba ay fasaxayso. (Marca)


Weeraryahanka Leicester City ee Islam Slimani ayaan heshiiskiisa amaahda ah ee AS Monaco uusan ku jirin qoddob ogolaanaya in Foxes ay soo ceshan karaan bishan January taas oo adkaynaysa inuu u dhaqaaqo Tottenham oo doonaysay. (Leicester Mercury)