Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Ciyaartoyda Ilaa Hada Ku Jira Jidka Suuqa?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Ciyaartoyda Ilaa Hada Ku Jira Jidka Suuqa?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysyada Qaarada Yurub Ka Qoreen Ciyaartoyda Ilaa Hada Ku Jira Jidka Suuqa?

Inkastoo uu dhawaan soo xidhmay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo hadana xanta suuqa ma ahan mid joogsata iyadoo kooxaha ugu waa weyn Yurub ay durbaba sii calaamadeysanayaan xiddigaha ay doonayaan xagaaga.

Madaama xagaagan la ciyaari doono koobka Euro 2020, waxay kooxaha doonayaan inay haatanba heshiis hordhac ah la sii gaadhaan xiddigaha ay doonayaan.

Frank Lampard ayaa gali kara qatar weyn oo dhanka mustaqbalkiisa ah hadii uu ku fashilmo inuu Champions League usoo saaro kooxda Chelsea. (Telegraph)

Arsenal ayaa dooneysa iney heshiis cusub oo shan sano ah ka saxiixdo 18-jirkooda Bukayo Sako, waxaana xiiseynaya kooxaha Bayern Munich, Liverpool iyo Man United. (Le10Sports)

Manchester United ayaa isha ku heysa iney agaasime ciyaareed ka dhigato Antero Henrique oo horay uga soo shaqeeyay Paris Saint Germain. (Independent)

Dayot Upamecano oo ah 21-jir daafaca kaga ciyaara RB Leipzig ayaa ka dhawaajiyay inuu ogyahay xiisaha ay u hayaan Barcelona & Arsenal. (RMC Sport)

Chelsea ayaa isha ku heysa Jude Bellingham oo ah 16-jir ka tirsan Birmingham, sidoo kale Man United, Barcelona & Real Madrid ayaa isha ku haya. (Goal)

Paul Pogba ayaa la rajeynayaa inuu isaga tago Old Trafford xagaagan, balse kooxdiisa kuma iibin doonto wax ka yar 150 Malyan oo Pound. (ESPN)

Mathias Pogba oo ahaa walaalka xiddiga Red Devils ayaa qiray in qof walba uu ogyahay sida uu Paul u doonayo inuu kaga guuro garoonka Old Trafford si uu u ciyaaro Champions League sidoo kalana uu koobab ku guuleysto. (The Sun)

Real Madrid ayaa ku qiimeyneysa Paul Pogba kaliya 50 Malyan oo Pound maadaama uu qandaraskiisa kaga hari doono hal sano, balse Red Devils waxey heysataa dooq ay 12-bilood ugu kordhiso. (Mail)