Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeyska L’Equipe Ka Qoray Kylian Mbappe Iyo Neymar Jr?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeyska L’Equipe Ka Qoray Kylian Mbappe Iyo Neymar Jr?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeyska L’Equipe Ka Qoray Kylian Mbappe Iyo Neymar Jr?

Xiddiga PSG ee Kylian Mbappe iyo Neymar Jr ayaa la filayay in suuqa xagaagan ay nuxaan, isla markaana ay noqdaan ciyaartoyda ugu magaca weyn ee u kala wareega naadiyada.

Barcelona ayaa raadinaysay Neymar oo ay hore ugaga iibisay kooxda reer France 222 milyan, laakiin hoos u dhac ciyaareed oo xili ciyaareedkan ku habsaday iyo kala-daadsanaan u baahan in wax badan laga qabto, waxa Blaugrana ay u xadhko xidhanaysay sidii ay usoo xero gelin lahayd xiddiga reer Brazil.

Sidaasi oo kale, Real Madrid oo aan wali helin laacib u buuxiya booskii uu banneeyey Cristiano Ronaldo, gool-dhalintooduna aad u yaraatay labada sannadood ee uu laacibka reer Portugal kasii maqan yahay Santiago Bernabeu, ayaa waxa la sheegayay in Erling Haaland iyo Kylian Mbappe ay yihiin laacibiinta shiishku u saaran yahay ee xagaagan bartilmaameedka u ah.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, Neymar iyo Mbappe midkoodna kama tegi doono Parc des Prince, sababtoo ah, cawaaqibka dhaqaale ee ka dhashay Coronavirus waxa uu meesha ka saarayaa suurtogalnimo kasta oo horseedi karaysay inay labadan ciyaartoy baxaan.

Wargeysku waxa uu sheegay in sida cad bilaha June, July iyo August ee ah kuwa uu suuqu shaqeeyo ay noqonayaan xilliyo ay horyaalladu socdaan, isla markaana PSG oo ka faa’iidaysanaysa dhibaatooyinka jira ay ku qancisay Mbappe inuu sii joogto kooxda, halka Neymar oo aanay wali si buuxda isku waafaqin aanay macquul ahayn inuu baxo.

Xiddiga reer Brazil ayaa haysta hal doorasho oo kaliya oo ah inuu go’aansan karo inuu ka  baxo heshiiska PSG uu kula jiro, taasna waxay uga baahan tahay inuu bixiyo 180 milyan oo Euro oo uu u shubo kooxda reer France.

Si kastaba, waxa uu wargeysku caddeeyey in ay albaabada bixitaanku ku xidhan yihiin labadan ciyaartoy.