Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wada Hadalada Dhex Maray Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Kooxda Barcelona?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wada Hadalada Dhex Maray Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Kooxda Barcelona?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wada Hadalada Dhex Maray Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Kooxda Barcelona?

Kooxda Barcelona ayaa raacdo ugu jirta weeraryahan xili ciyaareedka dambe kula bilowda oo goolal badan dhalin karaya, waxaana shiishkeedu saaran yahay dhawr laacib oo ugu dambaynta ay laba kusoo koobtay.

Xiddiga Inter Milan ee Lautaro Marintez ayaa safka koowaad kaga jiray liiska Barca, hase yeeshee waxay wada-hadallo qarsoodi ah la yeelatay laacibka Arsenal ee Aubameyang oo ugu dambaynta kusoo baxay bartilmaameedka koowaad.

Xiddiga reer Gabon oo 97 kulan oo uu u saftay Arsenal u dhaliyey 61 gool, ayuu heshiiskiisu dhacayaa badhtamaha sannadka 2021, waxaana uu diiddan yahay inuu ogolaado qandaraas cusub oo loosoo bandhigtay, taas oo keenaysa in Gunners ay iibiso ka hor waqtigaas si aanu qaab xor ah ugaga tegin.

Barcelona ayaa kulan qarsoodi ah la yeelatay wakiilka Aubameyang, waxaana la rumaysan yahay inay duldhigi doono £100 milyan oo Gini oo ay Gunners kaga dalban doonto inay kaga iibiso, waxaanay go’aankan qaadatay markii ay isbarbar-dhig ku samaysay qiimaha ay Inter Milan ku iibinayso Lautaro Martinez oo Aubameyang uu uga jabnaaday.

Dhinaca kale, qoyska laacibka reer Gabon ayaa la sheegay in qoyskiisu ay u guureen magaalada Barcelona oo ay dageen, taas oo ku cadaadin doonta Aubameyang inuu uga daba guuro oo uu ku biiro kooxdaas.

Si kastaba, ma jiro war kasoo baxay dhinaca Barcelona iyo Arsenal toona, sidoo kalena Aubameyang iyo wakiilkiisa ayaan ka hadal wararkan u dambeeyey, hase yeeshee marka uu suuqa xagaaga ee bisha June furmo ayaa la ogaan doonaa sida ay wax noqdaan.

Kooxda reer Spain ayaa waxa kale oo lala xidhiidhinayaa xiddiga reer Brazil ee Neymar oo uu Lionel Messi doonayo in kooxdu lasoo saxeexato, si uu uga furto culaysyada kalidii saaran iyo bartilmaameedka uu difaacyahannada u noqday.