Home Premier League

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Timo Werner Kaasi Oo Qaar Ka Mida Kooxaha Premier League Tartan Ugu Jireen?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Timo Werner Kaasi Oo Qaar Ka Mida Kooxaha Premier League Tartan Ugu Jireen?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Timo Werner Kaasi Oo Qaar Ka Mida Kooxaha Premier League Tartan Ugu Jireen?

Kooxaha horyaalka Premier League ee Chelsea iyo Liverpool ayaa dhibaato cusub kula kulmi karo xiisahii ay u muujinayeen gool dhaliyaha kooxda Red Bull Leipzig ee Timo Werner maadaama ay tartankiisa dhinaceeda ka soo gashay kooxda Barcelona.

Muhiimada koowaad ee weeraryahan dhexe ee Barcelona ayaa suuqa xagaaga ah Lautaro Martinez oo Inter Milan ka tirsan balse heshiis ay kula soo wareegaan ayaan marnaba noqon doonin mid sahlan waana sabab ku qasbaysa inay dookhyo kale ka fikiraan.

Halyeeyga kooxdaas ee Eric Abidal oo sidoo kale u qaabilsan arrimaha suuqa kala iibsiga ayaa la sheegayaa inuu bilooyinkii ugu dambeeyay joogteeyay inuu la xidhiidho Leipzig si uu si dhaw ugula socdo arrimaha Werner.

24 sano jirkan ayaa kamida xiddigaha weerarka dhexe ee qaarada Yurub kuwooda ugu haboon wakhti xaadirkan sababtoo ah inuu leeyahay awood gool dhalineed, dhaq-dhaqaaq xerada ganaaxa banaankeeda ah iyo waliba awood jidh ahaaneed oo fiican.

Haddaba, wargeyska Mundo Deportivo oo ah midka xogtan laga helay haatan ayaa sheegaya in doonista Barcelona ee Werner ay bilaabantay bishii March oo ay xataa Germany ugu tageen kahor intii aan isku socodka dalalka loo joojin sababta xanuunka Coronavirus.

Eric Abidal oo uu weheliyo Ramon Planes oo qudhiisu kamid ah madaxda suuqa ee Barcelona ayaa Germany tagay wakhtigaas si ay ula kulmaan aabaha Werner ee Gunther, wada xaajoodkaasi ayaa lagu sifeeyay mid degenaa oo la isku fahmay.