Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub.

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub.
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysa Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub.

Suuqa iibka ciyaartoyga ayaa ku jira toddobaadkii saddexaad oo sii gabogaboobaya, waxaanay kooxaha horyaallada Yurub haystaan muddo kooban oo ay kaga faa’iidaysan karaan bisha January oo ay kula soo saxeexan karaan laacibiin ay ku kabaan meelaha ay ka dhibaatoodeen.


Madaxweynaha Inter Milan, Beppe Moratta ayaa sheegay in kooxdiisu xiisaynayso inay lasoo saxeexato Victor Moses oo ka tirsan Chelsea oo waqtigan amaah ugu maqan Fenerebahce iyo sidoo kale Olivier Giroud oo 33 jir ah. (Sky Sports).


Tottenham waxay raacdo ugu jirtaa weeraryahanka reer Algeria ee Islam Slimani oo Leicester City ay amaah ku siisay Monaco. (Telegraph)


Manchester City iyo Manchester United waxa lala xidhiidhiyey weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez, laakiin 22 jirka reer Argentina ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa Talyaaniga ah (Sun)


Dalab ay Barcelona iyo Manchester City ka gudbiyeen difaaca Inter Milan ee Alessandro Bastoni oo 20 jir ah (RMC Sports)


Inter Milan waxay doonaysaa inay lasoo saxeexato khadka dhexe ee Tottenham iyo Denmark ee Christian Eriksen oo 27 jir ah, waxaanay kooxda reer Italy qorshaysay inay heshiiskiisa dhamaystirto ka hor kkulanka Cagliari ee January 26. (Mail)


Liverpool waxay danaynaysaa inay dalbato 17 jirka reer Portugal ee Pedro Brazao oo dhexda uga ciyaara Nice. (RMC Sport)


Grioud waxa kale oo bartilmaameed ka dhigatay Aston Villa oo isku dayi doonta inay soo qaadato si uu ugu buuxiyo booska weeraryahanka reer Brazil ee Wesley oo ka dhaawacmay. (Le10 Sports)


Inter Milan waxay danaynaysaa inay Real Madrid kasoo qaadato kubbad-sameeyaha reer Croatia ee Luka Modric oo 34 jir ah. (Sport)

Atletico Madrid ayaa 10 milyan oo Euro u bandhigtay PSG oo ay ka doonayso weeraryahanka reer Urugay ee Edinson Cavani oo 32 jir ah. (L’Equipe)


Bruno Fernandes oo 25 jir ah ayaa u sheegay kooxdiisa Sporting Lisbon inay ka go’an tahay inuu ku biiro Manchester United, waxaana la muddeeyey wada-hadallo dheeraad ah oo toddobaadkan dhex mari doona labada kooxood, kuwaas oo ay la socoto qiimaynta dhabta ah ee Lisbon ku doonayso in lagaga iibsado laacibkan khadka dhexe. (Sky Sports)


Atletico Madrid ayaa 10 milyan oo Euro u bandhigtay PSG oo ay ka doonayso weeraryahanka reer Urugay ee Edinson Cavani oo 32 jir ah. (L’Equipe)


Baasha bidix ee difaaca PSG iyo xulka qaranka France ee Layvin Kurzawa oo 27 jir ah ayaa heshiis xor ah ugu biiri doona Arsenal marka uu dhamaado qandaraaskiisu bisha June ee sannadkan, waxaana la sheegay inuu haddaba heshiis shan sannadood ah usii saxeexay Gunners. (France Football)


Arsenal waxa kale oo ay isku dayi doontaa inay Bayern Munich kala soo saxeexato daafaca Jerome Boateng oo 31 jir ah, kaas oo ay rabto inay amaah kusoo qaadato ka hor inta aanay xagaaga dalab £50 milyan ah u gudbinin RB Leipzing oo ay ka doonayso daafaca dhexe ee Dayot Upamecano oo 21 jir ah. (Star)