Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Stadium Muqdisho Iyo Halka Uu Maraayo Dibu Hagaajintii Tuulada Ciyaaraha.

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Stadium Muqdisho Iyo Halka Uu Maraayo Dibu Hagaajintii Tuulada Ciyaaraha.
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Stadium Muqdisho Iyo Halka Uu Maraayo Dibu Hagaajintii Tuulada Ciyaaraha.

Garoonkii Lagu Naanaysi Jiray Tuulada Ciyaaraha Ee Stadium Muqdisho Oo Hada Ay Ka Socotay Dibu Hagaajintii Ugu Weynayd Ayaa La Bilaabay In La Dhigo Cowska Macmalka ah Taasi Oo Si Wada Jir ah u Dhigeen Wasaarada Ciyaaraha Iyo Xidhiidhka Kubada Cagta Soomaaliya.

Wasiirada Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Madaxweynaha Xidhiidhka Kubada Cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab Iyo Maamulka Gobolka Benaadir Ee Ciyaaraha Ayaa Si Wada Jir ah u Dhigay Cowska Macmalka ah Ee Stadium Muqdisho.

Bahda Malcab Oo Isku Duuban Hore Ayey Barnaamijka Bandhige Ugu Soo Bandhigtay Warbixin Koobsanaysa Taariikhda Ilaa Maanta Halkuu Joogo Stadium Muqdisho Oo Aad Halkan Uga Daawan Karto.

Tuulada Ciyaaraha Ee Stadium Muqdisho Ayaa Sanadkii 1980kii Miilaadiga ahaa Garoonka Kubada Cagta Ee Ugu Weyn Qaarada Afrika Isagoo Marti Galin Jiray Ciyaarihii Bariga Iyo Badhtamaha Afrika, Tartankii Jaamacada Carabta Iyo Waliba Kuwa Gudaha Ee Dalka Soomaaliya.

Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirada Ciyaaraha Soomaaliya.

18-Jamadul Thaani-1441 Arbaca By Tayo Qaran AL-AhmåDi.