Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Shilka Uu Galay Laacibkii Hore Ugu Soo Ciyaaray Kooxaha Cardiff City Iyo Aston Villa Ee Peter Whittingham?

Dhakhaatiirta waddanka Ingiriiska ayaa ku mashquulsan sidii ay u badbaadin lahaayeen laacib uu soo gaadhay shil xun oo dhinaca madaxa ah, kaas oo la sheegay in xaaladdiisu adag tahay.

Peter Whittingham oo hore ugu ciyaaray kooxaha Cardiff City iyo Aston Villa, sidoo kalena usoo dheelay xulka qaranka England ee U21, ayaa ku jira xaalad culus, waxaana dhakhaatiirta cusbitaalka  Heath Hospital ee Cardiff ay dedaal ugu jiraan sidii ay naftiisa u badbaadin lahaayeen.

Peter Whittingham oo ay da’diisu tahay 35 ayaa qabsaday baraha bulshada, waxaanay dadka reer UK ugu ducaynayaan inuu soo kabto.

Booliska South Wales oo warbixin soo saaray ayaa sheegay in laacibkan hore uu yaallo cusbitaalka oo uu shil xun galay, laakiin may bixinin faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha dhaawaciisa.

Afhayeen u hadlay booliska South Wales ayaa waxa uu sheegay in abaaro 10-kii subaxnimo ee waqtiga UK booliska lagu soo wargeliyey shil sababay dhaawac madaxa ah oo gaadhay nin 35 jir ah, oo uu haddana yaallo cusbitaalka University Hostal Of Wales ee Cardiff.