Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Pierre-Emerick Aubameyang Lana Xidhiidha Kooxdiisa Arsenal Iyo Kooxda u Hamuunta Qabtay Ee Barcelona?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Pierre-Emerick Aubameyang Lana Xidhiidha Kooxdiisa Arsenal Iyo Kooxda u Hamuunta Qabtay Ee Barcelona?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Pierre-Emerick Aubameyang Lana Xidhiidha Kooxdiisa Arsenal Iyo Kooxda u Hamuunta Qabtay Ee Barcelona?

Kooxda kubadda cagta Arsenal waxay diyaar u tahay inay iibiso weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang haddii aanu ogolaanin inuu qalinka u qaato heshiis cusub oo uu ku kordhinayo qandaraaska uu kula jiro Gunners.

Xiddiga reer Gabon oo in badan ay daba socotay Barcelona, ayaa waxa uu ka war-wareegayaa inuu saxeexo heshiis cusub iyadoo qandaraaskiisuna uu ku eg yahay illaa dhamaadka xili ciyaareedka dambe.

Laacibkan oo 20 gool u dhaliyey Arsenal xili ciyaareedkan oo uu 32 kulan u saftay, waxa kale oo raadinaysa kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan oo diyaar u ah inay bixiso lacagta ay kooxdiisu ku xidhayso inay ku iibiso, laakiin tababare Antonio Conte oo ay u badan tahay inuu lumiyo qaar ka mid ah xiddigihiisa afka hore, waxa uu 30 jirkan ka dhigi doonaa haddii uu saxeexiisa ku guuleysto midka xili ciyaareedka dambe hoggaamiya safka weerarka.

Image result for Aubameyang in barcelona vs arsenal

Arsenal oo ay adag tahay inay usoo dallacdo kaalmaha sare oo ay xili ciyaareedka dambe ka qayb-gasho Champions League, waxa dhibaato ku ah dalabka Aubameyang ee heshiiska cusub ee ay usoo bandhigeen caqabadda ku noqday, kaas oo ah in mushaharkiisa laga dhigo usbuucii £300,000, taas oo ka dhigan in boqolkiiba soddon loo kordhiyo inta uu waqtigan yahay.

Sida uu qoray wargeyska Express, Barcelona oo bishii January si weyn loola xidhiidhiyey xiddigan, isla markaana uu ka dhaawacan yahay Luis Suarez oo ah weeraryahanka kali ah ee ay haysteen, waxay u baahan tahay laacib afka hore oo buuxiya booska xiddiga reer Uruguay oo ay waqtigan da’diisu weynaatay, laakiin sida warku sheegay, waxay go’aan ka gaadhay xiddiga reer Gabon ee Aubameynag oo ay gebi ahaanba joojinayso inay u dhaqaaqdo xagaaga.

Taas beddelkeeda, Barcelona waxay doonaysaa Martinez oo u ciyaara Inter Milan, una dhashay waddanka Argentina oo ay si dhow u wada shaqayn karayaan Lionel Messi, isla markaana da’ ahaan aad uga yar Aubameyang.