Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Kooxda Arsenal Ay Kala Socoto Weeraryahanka Cesar Gelabert Ee Kooxda Real Madrid?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Kooxda Arsenal Ay Kala Socoto Weeraryahanka Cesar Gelabert Ee Kooxda Real Madrid?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Kooxda Arsenal Ay Kala Socoto Weeraryahanka Cesar Gelabert Ee Kooxda Real Madrid?

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dusha kala socota weeraryahanka da’da yar ee Real Madrid ee Cesar Gelabert oo loo arko inuu ka mid yahay ciyaartoyda mustaqbalka fiican leh ee sannadaha soo socda soo bixi doona.

Gelabert oo ka tirsan kooxda da’yarta Real Madrid ayaa gelaya sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa Los Blancos bisha June ee foodda inagu soo haysa, waxaana 19 jirkan oo ka ciyaari kara khadka dhexe ee weerarka iyo garabka uu kusoo baxay liiska ciyaartoyda ay Arsenal raadinayso inay Emirates keento xagaaga foodda inagu soo haya.

Gelabert, la mejor noticia para el Castilla de Raúl

Tababare Mikel Arteta ayaa Gelabert ku daawaday laba ciyaarood oo da’yarta Real Madrid ay iska hor yimaaddeen Arsenal iyo Chelsea, waxaanu ku qancay tayadiisa iyo hannaanka ciyaareed ee uu leeyahay oo anfici karaysa Gunners haddii uu helo waqti fiican iyo boos joogto ah.

Sida uu qoray wargeyska AS, marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga, Arteta waxa uu waaxdiisa iibka u diri doonaa Spain si ay Real Madrid ugu qanciyaan inay ka iibiyaan laacibkoodan maadaama uu heshiiskiisu dhow yahay, haddii ay taasi hirgeli weydana waxay isku dayi doontaa Gunners in Gelabert ay ka dhaadhiciyaan inuu iska diido inuu heshiis cusub u saxooxo Los Blancos si ay qaab xor ah ugu qaadan karaan sannadka dambe.

Warku wuxuu intaa ku daray in Arsenal ay tartan kala kulmi doonto kooxo kale, hase yeeshee waxay Gunners u bandhigi doontaa Real Madrid £6 milyan oo Gini si saxeexa laacibkan ay u hesho, isla markaana uu uga garab ciyaaro Gabriel Martinelli sannadaha soo aaddan.