Home Premier League

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Iscasilaada Chips Keswick Gudoomiyihii Kooxda Arsenal?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Iscasilaada Chips Keswick Gudoomiyihii Kooxda Arsenal?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Iscasilaada Chips Keswick Gudoomiyihii Kooxda Arsenal?

Guddoomiyihii kooxda kubadda cagta Arsenal, Sir Chips Keswick ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu kooxda u hayay, isla markaana uu ka fadhiisanayo shaqooyinka oo dhan oo uu hawl-gab noqday.

Sir Chips Keswick oo ah ganacsade ayaa Arsenal xilal kala duwan oo agaasimeyaal ah kasoo qabtay tan iyo sannadkii 2005, laakiin 2013 ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka guddoomiyaha kooxda oo uu illaa maanta hayey.

War-saxaafadeed ay Mulkiileyaasha Arsenal ee Stan iyo Josh Kroenke soo saareen ayaa lagu xaqiijiyey in Sir Chips Keswick oo muddadii uu Guddoomiyaha ka ahaa ay Arsenal ku guuleysatay saddex FA Cup  uu ka baxay guddida sare ee maamulka oo uu hawl-gab noqday.

“Waxa aanu jecel nahay inaanu uga mahad-celino Sir Chips Keswick wax kasta oo uu u qabtay kooxda kubadda cagta Arsenal intii uu xubinta ka ahaa guddida maamulka iyo intii uu Guddoomiyaha guddida ahaa ee 15ka sannadood ahayd ba.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ay wada-jirka usoo saareen Stan iyo Josh Kroenke oo ah mulkiileyaasha Arsenal.

War-saxaafadeedka waxa kale oo lagu sheegay in khibradda iyo aqoonta uu lahaa Sir Chips Keswick uu ku darsaday jacayl xad-dhaaf ah oo uu u qabay Arsenal, taas oo ka dhigtay guddoomiyihii ugu habboonaa, waxaana loo ballan-qaaday in lagu soo dhoweyn doono garoonka Emirates Stadium mar kasta oo uu soo booqdo iyadoo ciyaari ka socota.

Sir Chips Keswick waxa uu hore usoo maamulay labada bangi ee Hambros Bank iyo Bank of England oo uu labadoodaba agaasimeyaal kasoo noqday.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay inay sharaf u ahayd inuu soo maamulo koox weyn oo kubadda cagta ah, noloshiisana ay meel gaar ah kaga taallo Arsenal oo ay qalibigiisa baaqi kusii ahaan doonto mustaqbalka.

Guddoomiyuhu waxa uu intaa ku daray inuu shaqooyinka oo dhan hawl-gab ka noqon doono dhamaadka xili ciyaareedkan, guddida maamulkana uu u caddeeyey taas, laakiin go’aankiisu uu ahaa mid ka horreeyey dhibaatooyinka la xidhiidha caafimaadka ee dunidu ku jirto.

Taageereyaasha Arsenal ayuu u sheegay in kooxdoodu ay ku jirto gacmo ammaan ah inta ay mulkiileyaasheeda yihiin Stan iyo Josh iyo waliba kooxda guddida fulinta.