Home Premier League

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Horyaalka Premier League Ka Soo Kordhay Dhanka Mushahar Dhimista Ciyaartoyda Xiligan Adag Ee Ciyaaruhu Taagan Yihiin?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Horyaalka Premier League Ka Soo Kordhay Dhanka Mushahar Dhimista Ciyaartoyda Xiligan Adag Ee Ciyaaruhu Taagan Yihiin?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Horyaalka Premier League Ka Soo Kordhay Dhanka Mushahar Dhimista Ciyaartoyda Xiligan Adag Ee Ciyaaruhu Taagan Yihiin?

Ciyaartoyda iyo kooxaha horyaalka Premier League ayuu ka dhex-taagan yahay is-mari waa aan wali xal loo helin oo la xidhiidha dhimista mushaharka ciyaartoyda ee xilligan adag ee ciyaaruhu taagan yihiin.

Ururka PFA ayaa ugu baaqay ciyaartoyda kooxaha dhamaantood inay si cad uga soo horjeedsadaan in mushaharkooda la dhimo illaa inta ay dhinacyada EPL, FA iyo PFA heshiis buuxa ka gaadhayaan arrintan, kuwaas oo kulan ay arrintan ku gorfaynayaan yeelan doona maalinta berri.

PFA waxa uu kooxaha Premier League ka doonayaa in inta aan la samaynin mushahar dhimis ciyaartoyda ah, inay soo bandhigaan xisaabaadkooda oo la ogaado lacagta ku jirta qasnaddooda haddii aan taa la samayna aanay ogolaan doonin in ciyaartoygu ay mushaharkooda dhimaan.

PFA waxa uu rumaysan yahay inay jiraan kooxo qani ah oo qasnadahoodu buuxaan oo waliba samaynaya lacago xilliyadan adag, isla markaana doonaya inay joojiyaan lacagaha ay ciyaartoyga siiyaan, si ay lacago badan u kaydsadaan.

Arrintan ayaa timid, markii uu Gordon Taylor uu qoraal uu soo saaray ugu soo jeediyey ciyaartoyda inay ogolaadaan in mushaharkooda la dhimo.

Wada-hadalkii Arbacadii ay yeesheen PFA, Premier League iyo EFL ayaan wax heshiis ah laga gaadhin, waxaana mar kale loo ballamay in maalmaha soo socda ugu dambayn arrintan la isla meel dhigo.

Arrintan ayaa waxa ku lug leh wakiillada ciyaartoyga oo iyaguna ku wargeliyey laacibiintooda in aanay ahayn wax la aqbali karo qorshaha Premier League doonayo oo ah in culays dhaqaale ciyaartoyda ku dhaco, kooxaha intooda badanna ay badbaadsadaan lacago ka bixi lahaa.

Si kastaba, wada-hadalka berri ay yeelan doonaan saddexda dhinac oo uu FA-guna kor-jooge ka yahay ayaa la eegi doonaa haddii ay heshiis ka gaadhi karaan arrintan iyo haddii kulamo kale loo ballamo.