Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Barcelona Iyo Inter Milan Kuna Saabsanaa Lautaro Martínez?

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Barcelona Iyo Inter Milan Kuna Saabsanaa Lautaro Martínez?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Barcelona Iyo Inter Milan Kuna Saabsanaa Lautaro Martínez?

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay Hal shardi hor dhigtay kooxda Barcelona hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Lautaro Martínez marka la gaadho xagaaga.

Barcelona ayaa xiddiga Lautaro Martínez ku darsatay qorshaha ay ku xoojinayso weerarka dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 111 milyan oo euro.

Image result for Lautaro Martínez in barcelona

Laakiin wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan dhigeeda Barcelona hordhigtay hal shardi kaas oo ah in ay miiska saaraan xiddiga Antoine Griezmann hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga reer Argentine.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba wadahadalada la bilowday Inter Milan kadib markii ay ogaadeen in ay Real Madrid ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Image result for Lautaro Martínez in barcelona

Qaab ciyaareedka Lautaro Martínez  ayaa soo jiitay kooxaha ugu waaweyn yurub kadib markii uu soo bandiga qaab ciyaareed cajiib ah labadii sano ee ugu dambaysay.