Wararkii Ugu Danbeeyey Badalka Ole Gunnar Solskjaer Macalinka Kooxda Man United Iyo Badalkiisa Oo La Sii Hadal Hayo.

Wararkii Ugu Danbeeyey Badalka Ole Gunnar Solskjaer Macalinka Kooxda Man United Iyo Badalkiisa Oo La Sii Hadal Hayo.
Wararkii Ugu Danbeeyey Badalka Ole Gunnar Solskjaer Macalinka Kooxda Man United Iyo Badalkiisa Oo La Sii Hadal Hayo.

Kooxda Manchester United ayaa xalay dabka ku sii shidday wararka ku xidhiidhinaya tababarihii hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino kaasi oo la sheegayo inuu shaqada ka beddeli doono Ole Gunnar Solskjaer oo tubta guusha kusoo celin kari la Red Devils muddadii uu xilka hayey.

Tababaraha reer Argeentina ayaan wax shaqo ah qabanin taan iyo horraantii xili ciyaareedkan markii laga caydhiyey Tottenham, hase yeeshee waxa uu mar walba ugu horreeyaa liiska tababareyaasha kooxaha waaweyn lala xidhiidhinayo, gaar ahaan kuwa la tuhunsan yahay inay iska beddelayaan macallimiintooda.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, Mauricio Pochettino ayaa waxa uu xalay kulan la yeeshay lataliyaha Guddoomiye ku-xigeenka Manchester United ee Ed Woodward oo lagu magacaabo Neil Ashton, waxaanay wada daawadeen ciyaar ka tirsan tartanka horyaalka heerka labaad ee Championship-ka Ingiriiska.

Ciyaartan oo xalay dhex-martay kooxda Leeds United oo ka mid ah naadiyada la saadaalinayo inay xili ciyaareedka dambe usoo dallici doonaan Premier League iyo Brentford, ayaa ayaa dusha sare wada wada fadhiyey Pochettino iyo Ashton, waxaana laga duubay muuqaal kooban.

Inkasta oo aanu wargeysku sheegay inuu ahaa kulan lasii qorsheeyey iyo in kale, haddana waxa uu muuqaalkaasi qabsaday baraha bulshada oo jamaahiirta Manchester United ay kaga falceliyeen.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha hadda ee United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa waxa saaran culays weyn oo ah inuu lumin doono shaqadiisa haddii isbeddel iyo kacaan dhibco ah ay samayn weydo kulamada soo aaddan, maadaama ay hadda kaalinta toddobaad u dhacday oo ay Tottenham iyo Sheffield United kala baxeen kaalmaha shanaad iyo lixaad.